Maxaad Ka Ogtahay Dhibaatooyinka Dabeecadeed ee la soo darsa Caruurta uu waalidkood ka maqanyahay maalintii Inta badan

Qubane-(Berberanews)-Daraasad ay samaysay Naadiga Assocham Ladies League (ALL) ayaa muujisay in ka badan 65 boqolkiiba caruurta iyo dhalinyarada da’doodu u dhaxayso Sideed jir ilaa 24 ee hela wax ka yar hal saacadood inay agjoogaan waalidiintood , ay la soo daristo xaalado dhalaankaasi u horseeda inay noqdaan kuwo gooni socod ah oo aan dadka soo dhexgalin, mar kasta oo ay cadhadu ku badan tahay  haba yaraatee wax dulqaad ah lahayn. Ayay Daraasadu sheegtay.

 

Waalidiinta guryahooda u hoyda xiliyada dambe ee habeenkii, kalahana xiliyada hore ee subaxdii ayaa la sheegay in cawaaqibkeedu yahay inuu xoogaysto khilaaf iyo mushkilado tiro badan oo ka jira qoysas badan, mana jiro qof daryeeli kara caruurta hadii uu habsankaasi uu joogteeyo, ayay daraasadu intaa ku dartay.

hooyo-iyo-ilmaheeda-249x300

 

Madaxa Naadigan Assocham Ladies League (ALL) oo lagu magacaabo Harbeen Arora ayaa yidhi “marka ay dhacaan khilaafka iyo dayacaada oo ka timaada sababo dhawr ah, waxaanu u tixgalin siinaa in qaybo badan oo bulshada caalamka ku kala dhaqan ay daryeelka caruurtooda u soo jeestaan oo ay tarbiyada hore hadii ay ilmahu ka lunto noqonaya mid aan naxariis la heyn dabeecadiisuna qalaf sanaato oo noqda qaar gooni socad ah.

Waxa ay daraasadani ay hoosta ka xariiqday xaqiiqada ah in inta badan caruurta wakhti yar lala qaato in qoysaskooda ay dhaxal siin karto xidhiidhka kala fogaansho ah oo aan hore  loo arag.

 

Inta badan dadkii jawaabaha ka bixiyey ayaa si kooban uga qaybqaatay inay wax dhibaato ahi ay dhex marto waalidiintooda. Inkastoo dhibaatooyinka wada xidhiidha, dareenka aan ku filayn iyo in meesha ay ka maqantahay taageeradii waalidku ay cadaysay sababaha raadka ku leh habdhaqanada aan wanaagsanayn ee caruurtu ku kacaan.