Haweenay Caan ku ah Jilida Filimada oo Gargaar Bani’aadanimo ku Heshay Abaalmarin Qaali ah

Jilaayada caanka ah Angelina Jolie oo ka tirsan shirkadda Hollywood ee soo saarta filimada Maraykanka ah, ayaa lagu maamuusay bilad sharaf Oscar ah oo ay ku heshay shaqada gargaarka bani’aadaminimada ee adduunka ay ka fuliso.
Bilad sharaftan ayaa lagu guddoonsiiyey Sabtidii toddobaadka xarunta shirkada filimaanta ee Hollywood, iyadoo ay ka soo qaybgaleen jilayaal iyo dan-jirayaal caalami ah.
Jilayaasha shirkadda Hollywood ee kala ah jilaya khibrada filim jilista khibrad weyn ka haysata ee Angele Lansbury, jilaaga filimada qosol-qosolka aadka caanka ugu ah ee Steve Martin iyo Pietro Tosi  oo caan ku ah nashqadaynta dharka jilayaasha ayaa sidoo kael helay bilad sannadeedkan oo ay soo qabanqaabiyaan guddi arrimaha jilista iyo cilmigaba loo xil saaro.
ang
“Waxay ahayd oo kaliya markii aan bilaabay inaan safro, isla markaana fahmo waajibaadka dadka kale iga saran, markaan la kulmay dad dagaallo, macaluul iyo kufsiyo ka badbaaday, waxaan bartay nolosha dhabta ah waxay tahay iyo sida aan u nasiib fiicanahay in aan haysto cunto aan cuno, guri madaxaygaka sarreeyaa iyo goob aan ku badbaadin karo noloshadayda iyo farxada qoyskaygaba, caafimaadkaynuna uu fiican yahay,” ayey tidhi jilaayada Jolie oo ka soo qaybgalayaasha xafladda la hadlaysay.
anglia1 angelina-jolie
Wixii ka dambeeyey sannadkii 2012 waxay jilaayadan caalamka ka fulisay 40 hawlgal oo dhinaca gargaarka bani’aadaminimada ah, iyadoo la shaqaynaysay hay’adda Qaramada Midoobay qaxoontiga u qaabilsan ee UNHCR.
Jilaayadan oo 378 jir ah waxay ku guulaysatay abaalmarinta la yidhaa Jean Hersholt Humanitarian Award oo la mid ah bilada Oscarka oo la siiyo jilayaasha dunida wax ku soo kordhiya.
Ibraahin Khadar Siciid
Berberanews.com, Hargeysa