Hargeysa oo laga xusay maalinta fayo dhawrka Suuliyadda

Hargeysa, Somaliland, November 19, 2013-(Berberanews) -Maalinta fayo dhawrka Suuliyadda ayaaa maanta si weyn looga xusya magaaladda Hargeysa.

Maalinta nadiifinta Musquladda loo asteeyey ee November 19 keedda oo sanad walba aduunka laga xuso ayaa maanta munaasibad baladhan oo ay ka soo qaybgaleen dadweynaha kala duwan ee magaaladda Hargeysa, wasaarada caafimaadka, hay’adda CARITAS ayaa lagu qabtay hoteelka Hay’ada shaqaalaha e magaaladda Hargeysa.

Photo0089 Photo0100

Munaasibadan oo si wada jir ah Munaasibadda usoo qabanqaabiyeen wasaarada Caafimaadka iyo hay’adda CARITAS ayaa lagaga hadlay sidii loo nadiifin lahaa suuliyada iyo kaalinta suuliyadu kaga jiraan caafimaadka shacabka. Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha bulshadda Marwo: Shukhri Xariir Ismaaciil, ayaa shacabka si weyn ugu dardaarantay inay ilaaliyan Nadiifinta suuliyada si ay uga badbaadaan xanuunada ka dhalankara ee shubka iyo calool xanuunku ka mid yahay.

Wasiir ku xigeenka Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda Shugri Xariir ayaa sheegtay inay diintu si weyn uga hadashay nadaafadda iyo inay ka mid yahay wax yaalaha aaasaasig ah ee nolosha bani’aadamka, iyadoo arimahaasi ka hadlaysa waxay tidhi  “ waxa loo baahan yaha in nadaafadda la ilaaliyo oo diinteena ina faraysa oo wax walba nadaafad ka horaysa, in nadaafadda suulliyada la ilaaliyo waa shay daruuri ah, marka waa inaynu ku dhaqanaa dhaqankeena suuban, diinteena iyo qawaaniinta caalamka ee xaga nadaafada ka hadlaysa, waa in loo dhago nuglaadaa dhawaaqyadda wasaarada caafimaadka ee ku qotoma nadaafadda iyo daryeesha suuliyada” Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Cali Sheekh Cumar oo ka mid ah madaxda wasaaradda caafimaadka waxaanu ummadda ugu baaqay inay ilaaliyaan nadaafada suuliyada, isla markaana cudurada faafa sida Dabaysha iyo shubanku ka bilaabmo nadaafad darada. Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wakiil u hadlayey hay’ada maalgalisay munaasibadan Dr:Badri ayaa si weyn ugu nuux nuuxsaday sida loo ilaaliyo nadaafadda Suuliyada.