Maayir ka cabsi qaba in shacabkiisu dalka Ingiiriiska u tahriibaan

Qubanaha-(Berberanews)-Nin maayir ka ah laba magaalo oo ku yaal dalka Romania, ayaa ka walaacsan in shacabkiisa gebi ahaanba ay u tahriibaan dalka Ingiriiska bisha January ee 2014 oo ku beegsan xilliga laga qaadayo shacabka Romania  xayiraadda dhinaca socodka uu ku soo rogay Ingiriisku.
Mr, Koller Gabriel-Adrian waxa uu sheegay in 50%  dadka uu maayirka u yahay u ka tahriibaan dalkooda, waxaannu xusay in 1,100 qof magaalooyinka Berini iyo Uliuc uga shaqo doontaan dalka Ingiriiska sannad cusub oo kasta.romanians
Dadka degaannada qaar badan oo ka mid ah waxay hore ugu tahriibeen dalalka Faransiiska, Talyaaniga iyo Spain, laakiin maayirku wuxuu sheegay in dalka Ingiriisu waqtigan noqday halka dadkiisu hadal hayaan in ay u mustaqbal doonaan doonan marka gelista xuduudaha dalkaas la fududeeyo.
“Waxaan u malaynaya in ay caqli-gal tahay kala badh dadka Berini iyo Uliuc  ay tagaan sannadka soo socda horraantiisa waddanka Ingiriiska, gaar ahaan dhallinyarada, “Sababtoo ah waxba halkan kuma haystaan, waxaanay halkaas u tegayaan inay shaqo dhinaca beer- falidda ah ka raadsadaan amma dhismayaasha dhisidooda ka qaybgalaan si ay manfac uga helaan, taladayduna waa in aan Ingiriisku dadkaas wax walba siin, waxaanan ka cabsanayaa in bisha January ee sannadka cusub magaalooyinka lagaga tego riyo kaliya,” ayuu yidhi Mr. Gabriel-adrian.
Ibraahin Khadar Siciid
Berberanews.com