Nairobi oo Lagu Ansixiyey Dhaqaale Muddo Laba Sanno ah Lagu Taageerayo Adeegyada Caafimaadka Somaliland

Hargeysa (Berberanews)- Wasiirka Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye), ayaa daboolka ka qaaday in magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu ansixiyey dhaqaale loogu talogalay horumarinta adeegyada caafimaadka Somaliland.

Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo shalay ka soo laabtay shirar uu kaga qaybgalay dalka Kenya iyo Cummaan, ayaa saxaafadda u sheegay inuu  Magaalada Nairobi kaga qaybgalay shirweyne ay isugu yimaadeen wakiilo ka socday wadamada qaadhaan-bixiyeyaasha ah iyo hay’adaha Qarammada Midoobay, shirkaas oo lagaga wadahadlay sidii loo dardargelin lahaa hawlaha caafimaad ee laga wado Somaliland.

Waxa wasiirku tilmaamay in shirkaas uu Nairobi kaga qaybgalay lagu ansixiyey dhaqaalahii lagu fulin lahaa shaqada caafimaad ee Somaliland laga taageerayo labada sanno ee soo socota, isagoo aan shaacin xadigga dhaqaalaha Somaliland loo ballanqaaday iyo adeegyada caafimaad ee xoogga la saari doono.


Waxa kale oo uu iftiimiyey inuu magaalada Masqat ee dalka Cummaan kaga qaybgalay shirweyne lagaga hadlayey sidii waddan walba dadkiisa u gaadhsiin lahaa adeegga caafimaad, shirkaasoo uu xusay inay ku kulmeen ergooyin ka kala socday 22 wadan oo ku yaal mandaqadda bariga iyo badhtamaha Qaaraddaha Afrika iyo Aasiya.

Dr. Saleebaan Ciise waxa uu sheegay in shirkaa laga soo saaray waxyaabo badan oo dan u ah bulshada gobolka, gaar ahaana dalkan Somaliland ay faa’iido badani ugu jirtay shirkaas oo lagu ballanqaaday in Somaliland laga caawiyo dhamaystirka iyo gudbinta adeegyada caafimaad ee bulshadu u baahan tahay.