20-ka Qof ee Adduunka ugu Awoodda Badan Xagga Siyaasadda iyo Maamulka Ganacsiga

Berberanews-Wargeyska caanka ah ee Forbes ayaa soo bandhigay magacyada 72-ka qof ee adduunka ugu awoodda ban, waxana ka dhex muuqda masuuliyiin dunida aad looga yaqaan, kana taliya waddamo awood badan, halka kuwo kaalmaha u horreeya sannadkii hore ku jiray ay dib uga dhaceen sida Ra’isal-wasaaraha Ingiriiska oo markii hore ahaa kaalinta 7aad, waqtiganna hoos ugu dhacay booska 11aad.
Madaxweynaha dalka Maraykanka oo wixii ka dambeeyey 2009kii oo loo doortay jagada Madaxweyne aan mar qudha ka degin kaalinta 1aad ayaa haatan ku dhacay kaalinta 2aad.
“Waxa jira waxyaabo aasaasi ah oo u dhexeeya qofka wanaagsan iyo ka awoodda badan. Haddii aannu liiska noocan ah soo saarayno dadku way ku kala duwan yihiin arrintan qof xun baa kaalinta koowaad geli kara marka liiska siyaasadda la samaynaayo,” ayuu yidhi Michael Noer oo ah Madaxa Forbes.
Liiska 20-ka qof ee magacyadooda la shaaciyey:
1.      Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin
2.       Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama,
3.       Xogyaha Guud ee Xisbiga Hanti-wadaagga ee dalka China, Xi Jinping
4.      Baadariga Pope Francis
5.       Ra’isal-wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel
6.      Bilyaneerka Bill Gates oo iska leh hay’adaha la yidhaa  Bill & Melinda Gates Foundation
7.      Guddoomiyaha Federaalka Maraykanka, Ben Bernanke
8.      Boqorka Sucuudiga Boqor Abdullah bin Abdul Aziz Al Saud,
9.      Madaxweynaha Bangiga Dhexe ee Yurub
10. Madaxa Shirkadda CEO, Wal-Mart Stores Mr. Michael Duke,
11.  Ra’isal-wasaaraha Ingiriiska, David Cameron
12.  Guddoomiyaha Shirkadda Honorary, Carlos Slim Helu iyo qoyskiisa
13. Madaxa Shirkadda Berkshire Hathway, Warren Buffett
14. Ra’isal-wasaaraha China, Li Keqiang
15. Madaxa Shirkadda Amozon.com Mr. Jeff Bezos
16. Rex Tillerson, CEO, Exxon Mobil
17.  Mr.Sergey Brio oo ka mid ah aasaasayasha shirkadda Google, isla markaana ah isu-duwaha mashaariicda khaaska
18. Madaxweynaha Faransiiska Mr. Francois Hollande
19.  Madaxa Shirkadda Apple Mr. Timothy Cook,

20.  Madaxweynaha Brazil Mr. Dilma Rousseff.

Ibraahin Khadar Siciid

Berberanews.com, info@berberanews.com