Dhakhaatiir ku Guulaysatay in ay Daweeyaan Ilmo 3 Jir ah oo ku Dhashay Cudur-sidaha HIV

Qubane-(Berberanews0-Dhakhaatiir u dhashay dalka Maraykanka, ayaa qiray in ay dawo u heleen cudur-sidaha HIV, kadib markii ay  fayraska HIV ee dhalliyaha cudurka AIDS-ka ka daweeyeen ilmo yar oo ku dhashay fayraskaas, iyadoo arrintaasina ka dhacday  magaalada Mississippi ee waddanka Maraykanka.
Khubaradan waxay sheegeen in kiiskan xallintiisa ay kala soo mareen xaalad adag, isla markaanna dhibaato badan ay kala kulmeen, balse aakhirkii ay ku guulaysteen, taasina hormood iyo guul u noqon doonto dadka la nool xannuun dhaliyaha HIV.
Ilmahan yar ee ku dhashay HIV waxa arrintiisa cusbitaalka Mississippi laga diiwaangeliyey horraantii sannadkan, waxaanay dhakhaatiirtu caddeeyeen inuu dhiigga hooyadii ka qaaday fayraska dhalliya xannuunka AIDS-ka.
Warka cusub ee la xidhiidha dawaynta ilmaha yar, waxa lagu daabacay Arbacadii toddobaadkan wargeyska internet-ka lagu qoro ee la yidhaa New England Journal of Medicine, waxana si rasmi ah loo xaqiiyey in ilmahan oo ah gabadh yar oo saddex jir ah uurka hooyadeed uu ugu gudbay HIV-gu, waxana loo daweeyey hab aan hore loo arag, kadib markii laga nadiifiyey cudur-sidahan, 18 bilood ka horna laga hortagay in HIV isu beddelo cudurka AIDS-ka.


“Waxaannu doonaynnaa inaannu ka taxadirno, waxaanannu arrintan ugu yeedhnay yaraynta cudur-sidahan (Remission), sababtoo ah waxaannu ilmaha isha ku hayn oo aanu ilaalinaynay caafimaadkisa waqti badan, waxaanuna sii eegi doonnaa muddo kale oo badan si aannu u hubino in arrinkaa lagu guulaystay,” ayuu tidhi Dr. Katherine Luzuriaga oo ka tirsan Jaamacadda  Massachusetts, khabiirna ku ah la-tacaalidda cudurka AIDS-ka.
Dr. Anthony Fauci oo ah dhakhtarka ugu khabiirsan dalka Maraykanka cilmiga cudurka AIDS, madaxna ka ah Xarunta la tacaalida cudurrada cuncunka iyo cudurrada fayrasku sababo, waxa uu khubaradan ku raacay in ay ilmahaas yar ka gaadheen in HIV uu ku dhashay isu beddelo AIDS.
Ibraahin Khadar Siciid
Berberanews.com, Somaliland
Email, info@berberanews.com