Wiil Turkey Ah iyo Gabadh Soomaaliyeed oo ku Aqal Gallay Magaalada Muqdisho

Muqdisho-(Berberanews)-Nin Turkey ah oo la aqal gallay gabadh Soomaaliyeed ayaa xaflada Arooskoodu caawa ka dhacday mid ka mid ah huteelada ugu caasnsan ee magaalada Muqdisho.

Xaflada arooska Lamaanahan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay la isuguna soo duba riday , kana soo qayb galleon marti sharaf Soomaali u badan balse Turkiduna qayb ka tahay , ayaa ka qabsoontay huteelka City Palace oo ku yaalada degmada Cabdicaziiz ee caasimada Muqdisho.

Caruuska oo lagu magacaabo Muhamet Birlik oo ka tirsan shaqaalaha tirade badan ee Dowlada Turkiga u jooga gudaha wadanka Soomaaliya, waxaana sida la sheegay ay sheeko aakhirkii isku bedeshay Aroos dhex martay gabadh Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Khadiija Cali Shariif.

wiil iyo gabadh


Mudane Birlik oo ku lebisan suudh madow ayaa gacanta hayay Marwo Khadiija oo si fiican loogu soo labisay taaj-ka caruusadaha oo midabkiisu cadaan yahay , kaas oo ku dahaadhnaa ilaa madaxa sare ee gabadha, iyadoo ay sacab iyo mashxarad ku soo dhawaynayaan dadweyne tiro badan oo ku sugnaa hoolka xafladu ka dhacayso ee huteelka City Palace.

Arooskan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee dhex mara Soomaalida iyo shaqaalaha Turkida ah ee xukuumadoodu gargaar ahaanta ugu soo dirtay ee ku sugan Caasimada Muqdisho.