Go’aanka Xukuumada ee dhismaha waddada Ceerigaabo waa mid geesinimo

Madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  ayaa dhawaan dhagax dhigay dhismaha wado halbawle ah, ahna Jidka dheer ee u dhaxeeya Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo qiyaasta dhererkiisu yahay 370 KM, taasi oo laga dhagax dhigay tuuladda Ina Af-madoobe ee G/Togdheer oo lagaga dego Jidka Laamiga ah ee Laascaanood iyo Burco u dhaxeeya, Waana Mashruucii ugu waynaa ee ay xukuumadu fulinteeda ku dhiirato.

    Wadadaasi ayaa ahmiyad weyn qaranka ugu fadhida, isla markaana fududeyn-doonta isku xidhka goboladda barri ee Dalka, arintan ayaan odhankarnaa waa geesinimo, isla-markaana mudan , in si toosa laysu garabtaago, waxaa inbadan laga hadlay dhibaatada ay jidkani ku hayo isu socodka guud iyo baahida weyn loo qabo , si kasta ha ahatee dhismaha iyo hirgelinta mashruucan ayaa la filayaa in wax weyn ka bedelayo isu socodka iyo xidhiidhka bulshada iyo dhammaan dhinacyada nolosha iyo horumarka ee bulshooyinka Somaliland gaar ahaan G/Sanaag oo godoon ku jirey.   

     Dareenka soo dhaweynta wadadaasi maaha mid kooban oo keliya dadka G/Sanaag, lakiin waa mid ay la wadaagayaan bulshada kale ee S/land ,marka ay wax iska weydiinayaan mushaakilka ay ku hayso dadka Bariga S/land , oo uu ugu horeeyo godoonka dhinac walba leh,wadada ayaa marka laysku daro guud ahaan inta dhisan iyo inta lagu talo-jiro waxay noqonaysaa 243.8 mile ama 393 Km –( Distance from Burao to Erigabo), isla-markaana waxaa loo socdaa qiyaastii 9 hours 47 mins, iyadoo dhibaato badan ku haysa dadka halkaasi ku nool.

     Gobolka Sanaag wuxuu ku fadhiyaa bedka dhulka Somaliland,  intiisa ugu  badan , hadaan si kale u dhignana 35% , waxaana intaa u sii dheer , iyaduna Xeeb ka dheer ,Xeebta u dhexeysa Seylac ilaa  Saaxil, Degaanka gobolkani waxa uu qani ku yahay kheyraad badan, Waa gobol ilaahay ku maneystay Xoolo, Beero, Goobo- dalxiis, iyo iyadoo ay duugan-yihiin khayraad dabiici ah iyo weliba goobo taariikhiya ay umadda fog ku noolayeen , taasi oo wax weyn dalkan u soo kordhinaysa , haddii si haboon looga faa,ideysto.

      Waxaan muran ku jirin in ay faa’iidooyin badan ay wadadani u leedahay qarankeena, taasi oo isagu jira, sida  caafimaad , waxbarasho,  dhaqaalaha, sugidda ammaanka bad iyo berriba, dhameystirka dhismaha qaranka  , fidinta maamulka ,  hortaga ama yaraynta shilalka waddo xumida sababto iwm, isku- soo wada duuboo waxtarka dhismaha waddadaasi, inooga soo hoyanaysa lama koobi karo, waana wado isku xidhaysa dal ay qaybtiisii badnayd dhinaca bari inaga xigto oo waddooyina aan lahayn isla-markaana ay ka xunyihiin.

        Waxaa iyadana jirta in gobolka sanaag , horumar u horseedi doono xadiga xoolaha ka dhoofa dekedeena Berbera, gobolka intaasi iyo inkabadan leh , ayaa ahaa gobol aanay marin waddo qudha oo laami ah, waana gobol isku-xidhkiisu S/land wax weyn ku kordhinaaya. haddii jidkaasi hirgalo, waxaa la dareemi doono isbedel, in xoolaha dekada Berbera ka dhoofa ay kor u kacaan,  maxaa yeelay xoolaha ku dhaqan G/Sanaag sabab jid xumo ayey dhawaysteen waxay badi ku xidhan yihiin dekedda dhinaca Bari kaga Toosan Ceerigaabo ee Boosaaso una jirta ilaa 200km, halka Dekadda Weyn S/land ee Magaalada Berbera galbeed ka xigto qiyaas dhan 260km, hase yeeshee hadii ay hirgasho waddadaasi , waxaa la rajeynayaa in xoolaha G/Sanaag ay si mug leh uga dhoofi doonaan dekada Berbera.

   Waxaana ah wax lagu farxo in Golayaasha wakiilada iyo fulintu ay iska soo go,eyeen lacag waqti xadidan ugu talo-galeen in lagu biiriyo qadhaanka wadadaasi , sidoo kale ciidamada kala duwan iyo ardayda iyo macalimiintooda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada , ayaa iyaguna ka qaybgalay qadhaankaasi , waxaana iyagana bilaabmay xaflado ay qabanayaan gudigii loo magacaabay iyo qurba-joogo , ujeedadooda ugu weynina ay daarantahay, sidii dhanbaalka dibu-dhiskaasi ay u gaadhi-lahayd bulshada S/land oo dhan, loona qaabeeyo sidii looga qayb-qaadanlahaa dibu-dhiska wadadaasi.

    Waxaan hoosta ka xariiqayaa in Gudida  u qaabilsan shaqada wadadda Ceerigaabo, ay yihiin dad aad u culus , dadkuna ay qirayaan in ay ka midho dhalin-karaan, himilada Madaxweynaha igmaday iyo gacanta dadka Somaliland mid qorax jooga iyo  qurba-joogaba, si ay gacan uga gaystaan wax ka qabashada hawshaasi.

   Waxaan odhankarnaa mashruucan wadada Ceerigaabo waa horumarkii ugu balaadhnaa ee ay ku dhaqaaqday ama ku dhiirato xukuumadani ,dhameystirkiisuna waxa uu guul u yahay wadanka iyo waxqabadkii loo doortay Xukuumadan jirta, waxaa amaan mudan Madaxweynaha  S/land , sida ay uga dhab tahay dibu-dhiska wadooyinka halbowlaha u ah qaranka , waana arin dan weyni ugu jirto dhamaan S/land oo dhan.

   Waxaana inagu waajiba ah, ama mucaarid ahow ama muxaafidba , wixii danta , horumarka iyo masiirka qaranimada Somaliland taabanaya , in hal meel looga soo wada jeesto, sidaa darteed waa wax laga xishoodo in marka hawl qaran ku saabsan laga hadlayo , in waxyaalaha hoose ee gudaha hoosta la soo dhigo,ama la siyaasadeeyo horumarka dadka,  suurta-gal  maaha in dadku isku aragti noqdo, balse fikirka siyaasada waa lagu kala duwanaan karaa, lakiin waxaa laga maarmaan ah in laga qayb-qaato dibu dhiska jidadka dalka iyo waxkastoo horumar ahba la taageero , isla-markaana wixii xun laga soo horjeesto.

Shacbi-weynaha  S/land ee ku kala dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisa meel kasta oo ay joogaanba , waxaa la gudboon inay si dhaba uga qayb qaatan dhismaha wadadaasi oo muhiim ah qaranka iyo halbowlaha isku socodka magaalooyin badan, qaranku waxa uu ku horumaraa, marka wanaaga iyo horumarka la taageero, la waayi maayo cid qaldan oo horumarka iyo wanaaga dhinac kale ka eegta ama xumahaba taageerta, laakiin waxa muhiim ah inay aqalabiyada shacbigu ay ka midoobaan danaha iyo horumarka guud ee S/land.

  Waxaa kale oo aan Hambalyo u dirayaa wax-qabadka ay xukuumadu ku talaabsatay kuwii hore ee fulay iyo kuwa iminka shaqadoodii gacanta lagu hayo oo ay ka mid yihiin dibu dhiska waddooyinka oo baahi badan umaddu u qabtay, sida dhisida iyo waasicinta waddada Hargeysa iyo Berbera isku xidha oo gacanta lagu hayo, waddada Burco iyo Ceerigaabo, ee la dhagax dhigay ,iminka qorshihii loogu talo-galay socdo , ahna waddo halbowle u ah dalkeena.

  Ugu danbeyn:- Waxaan ka rajeynaynaa in xukuumaddu ku guulaysanayso isku xidhka dalka oo dhan iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadka dabiiciga ah, isla-markaana loo kobcin lahaa dhaqaalaha dalka .

                                Allaa Mahad Leh

Adan Yusuf Elmi/UK