Dawladda Ingiriiska oo ku Hanjabtay inay Tahriibayaasha Sharci-darrada Dalkeeda ku Jooga Mastaafurin Doonto

Uk-(Berberanews)-Dawladda Ingiriiska, ayaa ku hanjabtay inay dalkeeda ka mastaafurin doonto dambiilayaasha ajnebiga ah, shaqsiyaadka falalka argagixiso looga shakisan yahay iyo tahriibayaasha sharci-darrada ku jooga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Ingiriiska Mrs. Theresa May, ayaa tilmaantay ka hor dadka sharci-darrada dalkooda ku jooga inta aanay dacwadooda ku guulaysan inay dibadda uga saari doonaan waddankooda, kadibna dib-u-eegis lagu samayn doono dacwadahooda.

Wasiir Theresa ayaa wargeyska Daily Mail ee Britain ka soo baxa u sheegtay in la adkayn doono waraaqaha sharciga ah ee lagu dhex joogo dalkooda si aan falal argagixiso uga dhicin.



………………….

“Waxaan ogahay in sharcigu la jiro dadka qaanuunka laftiisa ixtiraama, balse kuwa jebiya shuruucda noo yaal wax laga dhaafayaa ma jiraan,” ayey tidhi Wasiirka Daakhiliga ee dawladda Britain.

Go’aanka haweenaydan wasiirka ah ku dhawaaqday ayaa yimi, kadib markii Ra’iisal-wasaare David Cameron uu sheegay waqti kasta oo ay ku qaadato inay dalka Ingiriiska dibadda uga saari doonaan ajnebiga aan sharciga haysan amma dambiyada halista ku dhaca.

Wasiirka Khaarajiga ee Britain, waxa kaloo ay tilmaantay in dadka shisheeyaha ah ee waddamada kale ka tahriiba ay lumiyeen kalsoonidii shacabka Ingiriiska, sidaa darteedna tallaabo adag laga qaadi doono.

Sidoo kale, dawladda Ingiriisku waxa ay diyaarinaysaa go’aan ku saabsan in dadka u dagaallamaya inay helaan sharciga dalkaas la mastaafurin doono, isla markaana ka soo dacwoon doonaan waddamada ay u dhasheen, laakiin waxa laga reebay dadka dhibaatada kala kulmi kara haddii dib loo celiyo dalalkooda, gaar ahaan kuwa jidh-dilka iyo xukunnada dilka ah lagu fulinayo haddii ay dalkoodii hooyo dib ugu laabtaan.

Berberanews.com

info@berberanews.com