Khaladaad Haweenku Dhayalsadaan, Kuna Waayaan Qofka ay Jecel Yihiin

Qubanaha-(Berberanews)-Waxa jira waxyaabo haweenku dhayalsadaan oo suurtogal ka dhiga inay ku waayaan qof ay jecel yihiin, kuwaasoo soo afjara xidhiidhada jacayl ee ay ragga amma saygooda la wadaagaan.love


Arrimahan oo u baahan in dumarku aad uga fiirsadaan ku-dhicistooda, iyagoo oo daraasado kala duwan oo laga sameeyey iftiimiyey dhibaatooyinka ku lammaan khaladaadyada noocaas ah.

Khaladaadyada haweenku dhayalsadaan ee looga digay oo si kooban loo soo ururiyey waxay kala yihiin sidan:

1. Haweenku muhiimad badan ma siiyaan qofka ay jecel yihiin:

Haweenku waxay inta badan iska yeel-yeelaan in aanay jeclayn qofka ay rabaan, sidoo kalena markay ubad yeeshaan waxay ku mashquulaan carruurtooda, waxaanay iska illaawaan baahiyaadka aasaasiga ah ee saygooda, waayo jacayl keliya ma buuxiyo qoysnimada amma in lammaanaha xidhiidhkoodu sii waaro, balse in baahiyaadka nololeed la isu hirgeliyo waa muhiimadda ugu horraysa, sidaa darteed haweenku inta badan muhiimad ma siiyaan arrimahaas.

2: Waxay isku dayaan inay ragga wax ka beddelaan:

Dadka badankoodu waxay jecel yihiin inay noqdaan kuwa la jecel yahay si kasta oo uu yahayba, qof kastaana wuxuu yahay sida uu yahay. Haddii la isku dayo in dabeecadaha qofka la beddelo waxay taasi sababtaa arrimo badan oo u baahan dhabar adayg, kuwaas oo soo afjari kara xidhiidhka labada qof ka dhexeeya.

Haweenayda u samri wayda waxyaabaha ay lammaanaheeda kala kulanto waxay waxay taasi ku keentaa dhibaato daran.

3. Mahadnaqa badan ma yaqaanaan:

Mahadnaqa amma farxadda lagu fal-celiyo wanaagga raggu galaan aad ayuu ugu yar yahay haweenka. Haddii aad noqto qof mahadnaqa farxad ku muuiya, waxa hubaal ah in ruux kastaa raalli kaa noqonayo, waana waxyaabaha keena in dumarku inta badan isa seejiyaan dad badan oo ay jecel yihiin. La soco qaybo kaleā€¦..