Heesaaga caanka ah ee K’naan oo soo saaraya Filim cusub oo uu ka metelayo Xaaladda Somaliya

Qubanaha-(Berberanews)-Heesaaga caanka ah ee reer Canada asal ahaantiisuna yahay Soomaaliya ayaa waxa uu Soomaaliya ku sameynayaa Film caalami oo kaga hadlaayo Soomaaliya iyo dhibaatootinkeeda, Filmkaan ayaa waxa loogu magac daray Maano koobiyo.


K’naan oo wareysi bixiyay wuxuu ku sheegay in filmkan cusub ee hadda gabagabo ah uu soo baxayo dhawaan isla markaana si weyn loogu shaqeeyey wuxuuna sheegay in Flimkani laga sameeyey Qiso dhab ah oo horey u dhacday.

 knaan_getty_226
Fanaankani Caanka ah oo ay Soomaalida ku faanto ayaa isagane si la mid ah ugu faana qadiyada Soomaalinimo iyadoo dad badan ay xasuustaan habeenkii ciyaaraha aduunka oo dunida oo dhan ay daawanayeen oo soo bandhigay Calanka Buluuga ah ee shanta xidig leh kaasi oo baray caalamka in uu asal ahaan kasoo jeedo wadankaasi la dhaho Soomaaliya.Knaan+troubador1


Knaan ayaa markasta waxa uu ka hadli jiray heesahiisana ku salaysnaayeen nabadda iyo isagoo horey u qaaday hees uu kaga hadlaayo dhiigga daadanayay Soomaaliya xilligii dagaalada heestaas oo loogu magac daray Nagala Soo Bax oo adduunka aad caan ka noqotay sidoo kale Knaan ayaa heestiisii Wavin Flag waxay noqotay hees aad caan u ah ka dib markii Shirkadda Coca Cola ay qaadatay xilligii Koobka Adduunka uu socday sanadkii 2010 ee South Africa.

Berberanews.com

info@berberanews.com