Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac isugu jira oo ka dhashay Qarax lagu weeraray Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Muqdisho(Berberanews):- Ugu yaraan laba qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen afar kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen, iyadoo lasoo sheegayo in dadka waxyeelladu kasoo gaartay ay ku jiraan dad ajnabi ah oo u dhashay dalka Turkiga.

Qaraxan oo ka dhacay suuqa sarifka lacagaha ee Bakaaraha ayaa waxaa la sheegayaa in lagu weeraray dadkan ajnabiga ah oo halkaas u joogay inay ka dukaameystaan.

Lama oga cidda ka dabeysa weerarkan, waxaase uu noqonayaa madkii ugu horreeyay oo waxyeello ay kasoo gaarto dad ajnabi ah oo ka dhaca gudaha Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn magaalada Muqdisho.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa halkaas ka qaaday dadkii waxyeelladu soo gaartay ee isugu jiray ajnabiga iyo Soomaaliya.

Howlgallo ay Ciidammadu Ammaanku sameeyeen ayay kusoo qabqabteen dhowr qof ay la xidhiidhinayaan falkaas, iyadoo weli ay howlgalladu ka socdaan halkaas, iyadoo ay tani saameyn ku yeelatay howlihii ganacsi ee suuqaad.

Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay falal isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysa,  kuwaasoo qaarkood ay sheegatay inay ka mas’uul tahay Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia iyo kuwa gacanta siinaya ee AMISOM.Wixii warar ah ee soo kordha kula soco wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.