Maxkamadaha Guur-guura Ee Sanaag Oo Safar Shaqo Ku Maraya Deegaannada Gabeedka Gobolkaas

Ceerigaabo(Berberanews):- Maxkamadaha guur-guura ee Racfaanka iyo gobolka ayaa safar shaqo ugu amba baxay degmooyinka celefwayn garadag iyo darawayne.

Waxana ujeeddada Safarka Maxkamadahani salka ku hayaa sidii ay degmooyinkaasi ugua soo qaadi lahaayeen dacwada isugu jira dil iyo medeni. Guddomiyaha Maxkamada gobolka Sanaag Aadan Jamac Saleebaan, ayaa sharraxaad ka bixiyay ujeedada safarkooda oo uu sheegay inay salka ku hayso sidii sharciga guryohoodo ugu gaadhsiin lahaayen dadka danyarta ah ee tahli karin inay dacwadooda la yimaadaan maxkamadaha xarunta gobolka sanaag,

Waxanu yidhi; “Waxannu maanta ubaxayna degmoyinka garadag iyo celefwayn kuwaaso haddanu nahay maxkamada gobolka kusoo qaadi doono dacwado guud oo madani ah ayaanu utegayna incha alaahu waxanu sanadkan maxkamadda gobolku ubaxday Shan safar shan goor ayaan ukala baxnay mobile cort ga degmoyinka garadag, celefawayn, maydh, dararwayne, waxanuna kusoo qaadnay dacwado.”

Guddomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee gobolka ayaa isna dhakiisa sheegay sheegay in ujeeda safarkoodu salka ku hayso sida uu usheegay gudomiyaha maxkamda gobolka ayna safarkaasi shaqo ku tegi doonaan.

Berberanews.com          

Ceerigaabo/Somaliland.