Cancer-ka Ku-dhaca Qanjidhka Manida/Shahwada (Prostate Cancer) Oo Faro-baas Ku Haya Ragga Qaadka Cuna.‏

Caafimaadka-(Berberanews)-Ka hortago waxa uu ka fiican yahay Is-daweynta, waa murti ama weedh ku baahday Isticmaalkeedu dhinaca Caafimaadka. Waxa Dunidan aan ku noolahay ku soo batay Xanuunada jiitama ee loo caalwaayey, Sida Canser-ka Macaan-ka, xanuunada sigaarku sanbabada ku reebo, wadno xanuun-ka, Tuf-ta, Dhiig-karka iyo xanuuno kale oo jiitama oo ku yimaada Cunitaanka Qaadka. dhaqan kasta oo dunida laga helo waxa uu leeyahay qayb wanaagsan oo wax-tar leh iyo qayb xun oo khaseere keeni kara, tusaale dadka Somaalidu wey qariyaan haddii Xanuunada qaar ka mid ahi ku dhacaan. Dhakhtar u dhashay dalka Denmark ayaa war-bixin caafimaad oo uu soo saaray ku sheegay in Ragga Somalida ee Qaad-ka Cuna uu faro-baas ku hayo Canser-ka ku dhaca Qanjidh-ka Manida ama Shahwada.

Dhakhtarka oo sii faahfaahiye war-bixintiisa ayaa yidhi Canser-kani, waxa caadiyan uu ku dhacaa Ragga Da’doodu ka weyn tahay 50 sano, laakiin Ragga Qaad-ka cuna ee aan baadhitaanka ku sameeyey, siiba Somalida waxa uu bilaabmaa Canser-kani marka da’doodu 45 sano gaadho. waxa kale oo dhakhtarku hoosta ka xariiqay in Qaad-ku waxyeelo weyn gaadhsiiyo xubnaha Taran-ka ee Ragga, isla-markaan dilo Hamada am Nin-nimada Ragga.



Qanjidh-ka manidu waa qanjidh ragga ku jira oo sameeya dareeraha isu keena qayb ka mid ah manida. Cabbirkiisu waa ilaa 2 sentimitir X 2 sentimitir wuxuuna ku yaalaa Sinaha ama inta u dhaxaysa Duburta iyo Xiniinyaha. Qanjidh-kani waxa uu isticmaalaa hormoonka ragga ee loo yaqaanno testosterone si uu si caadi ah ugu shaqeeyo.

Calaamadaha lagu yaqaan Cancer-ka Qanjidh-ka Manida ama Shahwada ku dhaca.

•Kaadi faro-badan, siiba habeenkii.
 
•Iyada oo kaadiyi ku hayso oo haddana aanad kaaji karayn….Kaadidii oo aan kaa soo baxayn iyo Kaadida oo aad Xejisan kari weydo iyo waliba Kaadida oo kaa soo qubata mar-marka qaar.
 
•Kaadida oo si daciif ah u socota
 
•Kaadida oo ku xanuunjisa ama ku gubta
 
•Manidu markay ka imaanayso xubinta ragga wakhtiga galmada oo aad xanuun-dareento.
 
•Dhiig soo raaca kaadida ama manida
 
•Xanuun ama giigsanaanta dhabarka qaybtiisa hoose, miskaha ama bowdyaha sare U tag dhakhtarkaaga haddii aad isku aragtid wax ka mid ah calaamadahaan kor ku xusan.Halis ayaad u tahay Canser-ka noocan ah haddii ay: Da’daadu ka weyn tahay 45 sano
 
•Aad leedahay aabbo ama walaal hore u qabay kansarka qanjidhka
 
•Asalkaagu Afrika ka soo jeedo? ama tahay nin Madow oo u dhashay Africa.• Aad cunto cunno dufanka xooluhu aad ugu badan yahay iyo Qaadka.
 
Ka Hortaga Canser-ka Qanjidh-ka Manida
 
La-xidhiidh Dhakhtarkaaga oo samee Baadhitaan sanad-kiiba hal mar.

Ragga Cadaan-ka ah waxa la baadhayaa wixii 50 sano ka weyn. Ragga Madow ee ka soo jeeda Afrika waxa la baadhayaa wixii 40 sano ka weyn. Ragga Qaad-ka cuna waxa la baadhayaa wixii 35 sano ka weyn.
 
•Baadhidda dhiigga ee PSA (Prostate-specific antigen) Heerka PSA ee dhiigga ku jira wuu ku badanyahay ragga qaba kansarka qanjidhka.
 
•Baadhitaanka Malawadka (PR)Haddii baadhitaankaagu muujiyo in aad qabto kansarka qanjidh-ka Shahwada, baardhtaanno kale ayaa laga yaabaa in loo baahdo.

Wax yar ayaa laga jarayaa qanjidh-ka si looga baadho loona hubiyo in uu unuga kansarka ku jiro.Waxaana loo yaqaanna unugyo ka soo qaadidda jidhka. Daryeelkaaga. Haddii aad qabto kansar-ka qanjidh-ka, dhakhtarkaagu wuxuu kaala hadli doonaa kala doorashooyinka daaweynta. Kuwaan waxaa laga yaabaa in ay ku jiraan:• Qalliin• Shucaac ama kaah isku daaweyn (Laser)• Kiimiko isku daaweyn• Sugitaan baxnaano, ilaalin badani ku jirto, ama feejigaan xoog leh.

Waxa soo Tarjumay soona Habeeyey:
Osman Abdillahi Sool
Freelance Journalist.
sooldhuub@hotmail.com