Madaxweynaha Somalialnd oo dufcaddii 12aad ee ka qallinjeisa Jaamacadda Cammuud kala qaybgalay farxaddooda

Borama-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shahaadooyin gudoon siiyay 516 arday oo ka qalin-jabisa jaamacadda Cammuud ee Magaaladda Boorame.

Qallin-jebita oo ahayd Dufcaddii 12aad ee ka qalinjebisay Jaamacadda Cammuud, ayaa maanta Xafladii qalin-jabintooda oo ay madaxweynaha ku weheliyeen wasirro, xildhibaanno iyo marti-sharaf badan lagu qabtay  xarunta jaamacaddaasi.IMG_0277 IMG_0247 IMG_0255

Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guulleed oo xafladaasi ka hadlay ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee jaamacadda Camuud soo martay tan iyo sanadkii 1998-kii markii la aasaasay Jaamacadaasi oo ahayd tii u horeysay ee Somaliland laga furay markii dalku madax-banaanidiisii kala soo noqday Soomaaliya.

Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud waxa uu Madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay sida uu mar walba uga soo qeyb galo xafladaha qalin-jabinta ah, waxaanu tilmaamay inay ka qeyb galkiisu niyad dhis u tahay ardayda qalin jabinaysa.

Prof. Saleebaan Axmed Guuleed waxa uu tilmaamay in 516-ka arday ee maanta qalin jabiyay ay ka kala aflaxeen toban kuliyadood oo kala duwan oo jaamacadaasi lagu dhigto,kuwaasi oo ay ka mid yihiin maamulka iyo maareynta, ganacsiga, sharciga, beeraha iyo kuwo kaleba.IMG_0284 IMG_0278 IMG_0275

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad ka jeediyay xafladaasi ayaa dhambaal hambalyo ah u diray ardayda qalin-jabisay iyo maamulka jaamacadda Camuud oo uu ku majeertay inay horumarinta waxbarashadda sare ee dalka kaga jiraan kaalin wax ku ool ah.
Madaxweynuhu waxa uu ardaydii ugu saraysay kuliyaddaha kala duwan uu gudoon siiyay Abaalmarintii loogu tallo galay, ayaa isna wax la gudoonsiiyey shahaado sharaf aad u qaali ah oo uu u soo diyaariyey Sheekhal beledka Gobolka Awdal Sheekh Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo madaxweynaha ugu tallo galay shahaadadaasi qiimaha badan oo muuqaalkeedu yahay Xaramka.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka waxbarashadda Sam-sam Cabdi Aadan iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, waxaanay ka hadleen qiimaha waxbarashadu u leedahay bulshadda. Waxa kale oo ay bogaadiyeeen ardayda qalin-jabisay, maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Camuud.