“Shirkadda Pontus Marine waa shirkad ka hawl geli doonta Somaliland..”Maareeyaha Guud ee Pontus Marine Axmed Abokor

Hargeysa-(Berberanews)-Shirkad ku cusub Somaliland oo ka shaqayn doonta  ka ganacsiga Kalluunka Badda, ayaa maanta lagaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa, shirkaddan oo lagu Magacaabo Pontus Marine TLD, ayaa wax  lagu soo aasaasay Dalka Ingiriiska, taas oo hadda soo gaadhay Somaliland.

Masuuliyiinta shirkaddan Kalluumaysiga shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay sheegeen inay shirkaddani Xarumeheedu noqon doonaan Magaalooyinka Maydh iyo Berebra, isla markaana ay Kalluunka dalka u iibgayn doonaan Aduunka isaga oo Cusub.

pontus
Maareeyaha Guud ee shirkada Pontus Marine LTD  Axmed Abokor oo ka hadlay shirkaasi Jaraa’id, ayaa waxa uu sheegay inay shirkaddani tahay mid ay ku bohoobi doonaan dhamaan dadka reer Somaliland oo ay maal gashan doonaan, isaga sidoo kale sheegay inay maamuli doonaan rag khabiirro ah oo u dhashay Dalka Ingiriiska, waxnuu yidhi “ Shirkaddan Daahfurkeeda oo ka dhacay UK 26-kii Bishii June oo aanu doonayno inaan Somaliland ka bilawno Daahfurkeeda maalmaha soo socda, shirkadda Pontus Marine waa shirkad ka hawl geli doonta Somaliland, laakiin laga soo aasaasay waddana UK,  waxaanu ku hawl jirnaa inay noqoto shirkad ka hawl gasha Somaliland iyo Ingiriiskaba,  waa shirkad ay ku bohoobeen khuburo Caalami ah,  kuna ah dhinaca dhaqaalaha iyo ka faa’iidaysiga Badda, Suuqgaynta iyo xidhiidhada Caalamiga ahba, waxa kale oo intaas dheer  waana shirkad diyaar u ah inay dhegaysato muwaadin kasta oo soomaaliyeed oo ay khusayso, khayraadka baddeenuna waa mid u baahan inaynu helno khabiiro inaga caawiya sidii looga faa’iidaysan lahaa,  si uu Kalluunkeenu u noqdo mid la tartama  suuqyada caalamiga ah, Kalluun dhulkeena wuu yaallaa laakiin waxa ay dhibi inaga haysataa sidii aynu ula soo bixi lahayn, Shirkaddanna waxa sheer ka ah Mr Henary Bani Kam, kaas oo ah Wasiirkii Xidhiidhka Afrika  ee Ingiriiska oo qayb ka ah shirkadda, waxa sidoo kale qayb ka ah Maxamed Yuusuf Cali Guray oo khabiir ku ah dhinaca dhaqaalaha, waxa isaguna Shirkaddan la taliye ka ah Stevan nin la yidhaahdo oo ah khabiir Badaha ah oo Midawga Yurub la taliye u ahaan jiray,  waxaanuu inaga caawinayaa ilaa marka uu kalluunkeenu ka soo boxo badda ee uu gelayo Sayladda Caalamiga ah ay Masuuliyaddaas iyagu qaadaan, taas oo ay ogaan doonaan meelaha kalluunka lagu kala saarayo gudo iyo dibadba, marka uu dibedda u baxana waa inuu noqdaa mid og qiimaha uu leeyahay, dhinaca dhaqaalaha waxa maamule ka ah nin la yidhaahdo Dalke, waxa kale oo jira Guddi sare oo aan weli la samaynin, waxa kale oo jira Guddi  ka shaqayn doonta maamulidda iyo kala saaridda dhaqaalaha  Shirkadda, waxaanay ka hawl geli doonaan Guddidaasi meelaha ay shaqada shirkaddu ka socoto, waana Guddi la dooran doono oo Somaliland ah, waxaanay ka koobnaan doonaan khabiirro Caalami ah iyo dad reer Somaliland ah oo iska kaashaday sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha waddankeena, u jeedaduna waa kobcinta dhaqaalaha guud iyo ka gaarba, waxaanay shirkaddani ka qayb qaadan doontaa kobcinta dhaqaalaha, waxaanay samayn doontaa shirkaddani shaqo abuur, waxaana ka shaqayn doona dad gaadhaya illaa 400 oo qof,  waxa kale oo ay ka qayb qaadan doontaa ganacsiga kale, waxa ay ka qayb qaadan doontaa lacagta waddanka soo gelaysa oo ay kobcin doonto iyo waxyaabo kale oo badan, waxa kale oo ay ka qayb qaadan doontaa kobcinta dhaqaalaha gaar oo qofka wax ku darsada si gaar ah ayuu u sugayaa faa’iidadii uu lahaa, ujeedaduna waa kobcinta dhaqaalaha uun mid gaar iyo mid guudba”

“Markii shirkaddan la furay waxa ay Xafiisyo  badan ku yeelatay meelo kala duwan oo ay ka midyihiin Ingiriiska iyo Maraykanka, Carabaha, halkaanna hadda ayaanu u nimid inaanu  ka furno, Waxaanu Daahfurka shirkadda ku qaban doonnaa Magaalooyinka Burco, Berbera iyo Hargeysa,  markaa 30-ka bishan ayaanu Hargeysa ku qaban doonnaa daahfurka, waxaanu u sheegaynaa dadweynaha reer Somaliland inay  ka soo qayb galaan oo ay dhegaystaan khudbadda shirkadda ku saabsan ee uu jeedin doono Maxamed Yuusuf Cali Guray, waa in la dhiiri geliyo Maalgashiga iyo dhaqaalaha oo waddamada horumaray waxa ay ku hour mareen, waa maal gashi, haddii ay igraddani hir gashana, waxa aan ogahay inaynu la tallaabsan karno waddamada dunida, qof keli ahina waxaba ma qaban karo oo qofka kelida ah waxa ka wanaagsan in wax la wada yeesho, taas oo hirgelinaysa inay dadku wax wada qabsadaan, Ujeedada shirkadduna waxa weeyaan inay hir geliso wax wada lahaanshaha iyo wax isku darsiga, isla markaana loo sameeyo nidaam wax wada lahaasho, waana qorshe aad u mihiim ah oo qofkii muwaadinka ahaa ee wax maal gashanayey dhiiri gelinaya, qorshaha shirkadduna waxa weeyaan inuu noqdo mid qeexan oo  la sameeyo sidii uu qofku ku heli lahaa lacagtiisa, si aan is qab sabsi u dhicinna waxaanu ku qeexi doonnaa dhinaca sharciga, Dakhliga Guud ee shirkadda ee la doonayo in la Ururiyaa waa shan Milan oo Dollar 5-Milyan, waxaanuna doonaynaa inuu qofkii doonayaa gashado Hal Dollar oo keliya,  laakiin waxa weeyaan qiimaha uu qofku gashan doono in laga dhigo shan Boqol oo Dollar dadka Gudaha Jooga iyo Kun Dollar oo dadka Dibedaha jooga ah, kuwaas oo ah sheerka ugu yar, waxaanuna ku talo jirnaa inay ku dhamaato 30-ka bisha October, waxaanad moodaa inay hadda intii badnayd soo wada xerooto, marka ay intaasi soo dhamaatana waa la xidhayaa oo sharciga shirkadda ayaa dhigaya sidaas, waxaana Baddeena ku jira  ilaa Lix Boqol oo nooc oo kalluun ah oo nooca qaaliga ah, mana aha mid la qaboojiyey ee waa mid cusub oo isaga oo cusub la iibgayn doono oo caalamka loo iibgayn doono, waxaana laga samayn doonaa Berbera meel lagu farsameeyo oo qalabkii yaallan, waxaana lacagta loogu talo galay Sadex  Markab oo soo gura oo illaa Maydh iyo Laasqoray ayaa laga soo guri doonaa, waxaana loo iib gayndoonaa Chaina iyo Itoobiya iyo Meelo kale isaga oo cusub”

“haddii uu qofku maal gashado shirkadda Toban Kun oo Doolar waxa loo qorsheeyey  laba qaybood oo kala ah sheer A iyo Sheer B,  waxaana sheer A noqonaya 9900 Dollar, inta kalena ay noqonayso sheer B, qofku haddii aanuu haysan Sheer B-na ma sheer garayn karo shirkadda, waxaana uu qofku xaq u leeyahay inuu doorto sidii loo maamuli lahaa iyo cidii u maamuli lahayd iyo wixii is bedel ah ee shikadda ku  dhacayaba meesha uu doono ha joogee, Sheer A-na waxaanu ugu talo galnay in qofka loo celiyo sida uu yahay oo dhamays tiran, waxaanu ugu talo galnay inaanuu Shirkaddu Sannadka hore waxba celinin, markaa sannadka labaad ayaa qofkii lacagtii uu sheerka ku galay kala badh loo celinayaa, sannadka sadexaadna intii kale uu kuu soo noqdo ayuu qorshuhu yahay,  adiga oo lacagtii aad maal gashatay ay weli  kuugu jirto halkeedii, waxaanad wax ku qaybsanaysaa intii aad maal gashatay, qofka cabanayaana waxa uu warqad u soo qorayaa guddida sare ee shirkadda, haddii muudo dhowr iyo labaatan cisho ah loogu soo jawaabi waayana waxa uu xaq u yeelanayaa inuu Maxkamadda u gudbiyo, taas oo aanu ugu talo galnay inuu noqdo shirkad Xalaal ah,  wixii dheeraad ah waxa aad ka heli kartaan Website-ka Shirkadda oo ah WWGUULGROUP.COM, wakhtiganna waxaanu ku talo jirnaa qaybtii lacag urursiga maalgashadayaasha”

“Waanu ognahay in Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Baddu ay masuul ka tahay  oo ay Dawladda Somaliland uga tahay Badaha, markaa waanu la xidhiidhnay  oo waxaanu hadda wadnaa sidii  Aqoonsiga shirkadda naloo siin lahaa, waanay socotaa oo hawshaas waanu wadnaa waananu soo qaadan doonaan aqoonsiga shirkadda”