Dalkiisa Qawade Qarannimo ka Dheer

Dhaqashiyo Dadkeenii

 Dhimashoba Wadaagye

  Dhalashaanu gaadhnaye

Ninkii se dhoofa maantee

Dhul shisheeye gaadhow

Dhaliilbaa ku raacdoo

Dunkaal baad qaniintay

R

un’ahaantii waxa muhiim ah in dhulkaaga hooyo aad u ogolaatid in aad u qirto sumcadiisa qarannimo iyo shraftiisa uu kaga soocan yahay waddamada kale ee caalamka, oo aad u diidid hadba dhaliisha kasoo gaadhaysa dhankaaga & dhanka bulshadaba.

Waxa aad innoogu badan in aynu caado ka dhigano in dad badan oo tacliin leh ay u xoogsi tagaan waddamo qalaad, iyaggoo dalkooda hooyo Qawadsan, isla markaana ay yar tahay inta si caadiya u dhooftaa balse ay badidoodu u tagaan qaab sharci darro ah oo silic & saxariirba leh, noloshoodana u biimeeyaan sidii ay u gaadhi lahaayeen wadamada reer galbeedka, taasi oonay ogayn waxaay kala kulmi doonaan qurbaha & habka dadkaasi u qaabilidoonaan midna.


Maalin ayaa waxa dhacday in aan su’aal waydiiyo wiil dhalinyaro ah kana mid ah qolada taageerta waddamada qalaad waxaanan ku idhi “walaal dhulkani ayaa ku hurran oo dhulkaagii hooyo ah ee xageebaad ku socotaa” balse nasiib darro jawaabtuu isiiyay ayaa noqotay “walaal tan Dhas-land ayaa layidhaa oo hadaad sii dhex joogto waad ku dhex gaboobaysaa” runtii  aad ayaan uga xumaaday jawaabtaas maxaa yeelay waa laga qurux badan yahay in dhalinyarteenu fikradaha noocaas ah aamin-sanaadaan.

Waxa hubaal ah in da’yarteena maanta joogta haddii aadku tidhaahdid waxaa joogta diyaarad yurub tagaysa bilaashna ah in aan  mid qudhi hadhayn.

Gartay oo waynagan soconee halkee loo socdaa? Laakiin sidan miyaynu ku fayownahay? Oo dariiqii saxda ahaa ayaynu ku taagannahay? Waa yaabe!!!!! dhaqaaqdaye kumaad ku halaynaysaa ee usoo dhalanaya dhulkaaga hooyo? Markaad yurub gaadhid  kumaad isku halaynaysaa? Yaa ku qaabilaya? Yaa kaasii horeeya ood hiigsanaysaa?  Ma’kula tahay in dadkii muwaadiniinta ahaa ee dalkaad ku socotid u dhashay oo bilaa camal ah ayaad adigu xafiis fadhiisan doontaa?

Run’ahaantii calaamatul su’aal (?) ayaa inna saaran dhamaanteen maxaa yeelay su’aalahan oo dhami adiga mooyee jawaab kale ma leh, yurubtan aad Tv-ga  ka daawatay eed quruxda ku sheegaysid & horumarkana inkastoo aniga Amaal ahaan aanay ila qurux badnaynba (waxaad haysataa kaaga wanaagsan waxa kaa maqane) ma’iyadoo sidan ah ayay dhalatay?

Maya weeyaan jawaabtu, laakiin yurub mawaadiniinteedii ayaa qurxiyay, dhisay oo horumarkan gaadhsiiyay, adiguna intaad  Qawaday dhulkaagii hooyo ayaad ku hammiyaysaa dhul dadkii lahaa hagaajisteen.

Waraabihii hooyadii cunay ma’habaryartiibuu  hadh u’jiidi doonaa, dhulkaagii ayaad Qawaday ood waliba ula baxday magacyo ay ka mid yihiim Dhas-land & qaar ka daran oo kiinna ugu yar & kiinna ugu wayn laysla wada garanayo, oo aanad waliba ku niyad fayoobayn sii dhex jooggiisa, mar walbana ku fakareysid hadmaad ka tagi doontaa ood yurub cagaha dhigi doontaa, markaasay reer yurubna ku dhaafeen oo horumarkaas ku talaabsadeen.

Yurubtaa barwaaqo soorankee

                                              Baarka sare gaadhay

Bisadaha marbay qalan jireen

                                               Iyo bahalo nool-noole

Walaalayaal intaydun hiigsanaysaan yurub ku hamiya sidii aad dhulkiina uga dhigi lahaydeen yurub oo kale, u horumarin lahaydeen, u qurxin lahaydeen una dhisi lahaydeen.

Walaal yaa kale ee uu haystaa dhulkaagu een adiga ahayn? Yaa u maqan eed kaga tagaysaa masuulliyaddiisana qaadi kara een adiga ahayn? Yaase booskaaga oo kale u gali kara een adiga ahayn?

Ma’jirto maalin uu dhulkaagu maanta kaaga baahi badan yahay wax-tar oo maalgasho waayo? isaga ayaa ku hurran,

Qurba-joogtana waxaan  ugu baaqayaa in maanta dhulkeenii idin tabayo, idiin baahan yahay, laydinkana fadhiyo inaad usoo laabataan, soo maal gashataan, ka qayb-qaado dayac tirkiisa iyo dib u habayntiisaba, hantidaada u hur iyo waliba naftaadaba, maxaa yeelay waa dhulkaagii hooyo, waa dhulkii awowyaashaa, waa halkaad tafiirta u lahayd.

Waxaanad ogaataa muwaadin in dhulkaagu uu yahay dhaxal kaaga rasmiga ah ee aad leedahay intaad dhul shisheeye noloshiisa ku qanacsan tahay kaagana qawadayso addigiyo Qarrannima waad kala dheertihiin.

Diyaarintii:-Amaal Gillin Moh’oud

Email: maria406@hotmail.com