Somaliland Oo Sheegtay Inay Buuxinayso Adeegyaddii Caafimaad ee MSF Ku Banaysay

Hargeysa(Berberanews)-Dawlada Somaliland ayaa Jawaab ka bixisay go’aan ay Hay’ada Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ku gaadhay inay ku joojiso hawlihii Gar-gaarka ahaa ee ay ka waday Wadamada , Soomaaliya, Somaliland, Kenya, Itoobiya iyo Djabouti, ama dhulka ay soomalidu degto oo dhan.

Hay’adda MSF oo Somaliland ka waday mashruuc ku saabsan horumarinta Caafimaadka oo ay ka hir-gelisay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco oo ay muddo saddex sanadood ah gacanta ku haysay dhaqaale ahaan iyo dhinaca adeegyadaba, ayaa shalay ku dhawaaqday inay soo af-jarayso hawlihii bino’aadanimo ee ay ka wada Gobolka oo dha, sababo dhanka amaanka ah awgood.

Wasiir-Ku-xigeenka-caafimaadka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan oo xalay khadka telefoonka ugu warantay Wargeyska Dawan, ayaa sheegtay inay Hay’addani horumarin balaadhan iyo dib u dhis ku samaysay adeegyada cisbitaalka Burco oo ah mid kaalin mug leh kaga jira goobaha caafimaadka ee goboladda Bariga.

Nicmo Xuseen Qawdhan, waxa ay sheegtay inay Cisbitaalkaasi adeegyadiisa oo lacag la’aan ahaa gacanta ay ku haysay MSF, haatana dawlad ahaan ay isu diyaarinayaan sidii ay u buuxin lahaayeen baahiyaha ku soo kordhay ee ay banaynayso, iyagoo la kaashanaya Hay’ada Xukuumiga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn.


Wasiir Nimco oo ugu horayn ka waramaysa sida ay dawlad ahaan u arkaan go’aanka MSF iyo Jawaabta ay ka bixinayaan , ayaa tidhi “Hay’ada MSF waxay ka koobantahay shan wadan oo isu tegay, waxaanay ka shaqaysaa xaaladaha deg-deg ah ee Caafimaad, go’aankan iminka ay qaateena Somaliland iyo somaliya oo qudha kamay qaadan ee waxay sheegeen inay ka baxayaan dhamaan dhulka afka somaliga lagaga hadloo dhan oo ay somaliya, ku jirto Djabuoti ku jirto, Kenya ka mid tahay, oo labadii qof ee shaqaalaheeda ka mid ahaa ee la afduubay waxa laga kaxaystay xero qaxoonti oo ku taala Kenya, markaa Runtii annagu ka dawlad ahaan waanu ka xunahay go’aanka ay qaateen, waanan isku daynay inaanu kala hadalno laakiinse wax jawaab ah kamay bixin”.

Nimco Xuseen Qowdhan waxa kale oo ay faahfaahin ka bixisay Baaxada hawlaha Caafimaad ee ay Hay’addu ka waday Somaliland iyo sida ay ku waajahayaan hawsha ay banaynayso,“Hay’addu saddexdii sanadood ee ay Cisbitaalka Burco Gacanta ku haysay wax badanbay ka qabatay, waxay dib u dhis ku samaysay Cisbitaalka qaybihiisa, waxay dhistay Tiyaatarka cisbitaal , waxay xooga saartay adeegyada hooyada iyo Dhalaanka, dhamaana adeegyada caafimaad ee Cisbitaalku waxay ahaayeen bilaash oo iyadaa gacanta ku haysay, runtiina waxay ahayd wax lagu mahadiyo , meel wanaagsan oo laga sii amba qaadi karona way soo gaadhsiiyay, wixii ka dambeeyana waxaanu rajeynaynaa inaanu meel kale ka kabi doono hadii alle ka dhigo.

Cisbitaalka Burco waa Cisbitaal aad u balaadhan oo Goboladda Bariga oo dhan muhiim u ah, waxaana bil kasta ku dhala in ka badan 500 Dumar ah oo Sool iyo Gobolada kale ee bariga ayuu u ahaa Cisbitaal, markaa wasaarad ahaan waxaanu rejaynaynaa inaanu dhakhso u kabi doono, waxaana jira mashruuc aanu ka wadno Gobolka togdheer hada oo lagu dar-dar gelinayo adeegyada caafimaadka oo aanu isaga laftiisa doonayno inaanu ka kabno” ayay tidhi Wasiirku.

Geesta kale Wasiirku waxay ka warantay shaqaalaha Cisbitaalka ka hawl-gala oo qayb ka mid ah Hay’adu Mushaharka siin jirtay iyo waxa uga qorsheysan arinta shaqaalaha, waxaanay tidhi, “Horta shaqaalaha Cisbitaalka ee ay lacagta siin jirtay waxay kala ahaayeen laba qaybood, qayb waxa weeyaan qayb Mushaharka dawlada ku jira oo ay Gunno siin jirtay iyo qayb ay Mushaharka iyadu siin jirtay, markaa kuwa gunadda ka qaadan jiray waxay ku jiraan mushaharkii dawlada oo gunadii ayuunbay waayayaan, laakiinse ku mashaharka ka qaadan jiray waxaan filayaa inay meesha ka baxayaan, waxaanan isku dayaynaa inaanu sida ugu dhakhsaha badan ugu helno cid naga caawisa, waayo waynu ognahay dhaqaale ahaan dawladu waxay bixin karto”.

Ugu dambeyn Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland waxay sheegtay inay Maanta oo khamiis ah madaxweynaha kala hadlayaan sidii loo kafeyn lahaa adeegyada Caafimaad ee Cisbitaalka Burco, si aanu hoos u dhac ugu iman adeegyada bulshada Gobolku ka hesho .

XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN