Maxaa keenay in Xirsi ka duwanaado ku dhawaad tobankii wasiiro madaxtooyo ee dalka soo maray 15kii sano ee u danbeeyay?

Xirsi: Ma wasiir madaxtooyaa mise madaxweyne idman:
–          Maxaa keenay in Xirsi ka duwanaado ku dhawaad tobankii wasiiro madaxtooyo ee dalka soo maray 15kii sano ee u danbeeyay.
–          Maxaa keenay in Xirsi ku ag nabnaado madaxweynaha goor kasta iyo goob kasta
–          Maxaa keenay in Xirsi ka hadlo hawl kasta oo xukuumaddu wado.
–          Maxaa Keenay in Xirsi waxna magacaabi karo waxna eryi karo.
Waxaynu beryhan oo dhan ku dhago barjownay Xirsi. Xirsi baa sidaas yidhi. Xirsi baa sidan sameeyay. Xirsibaa halkaa xadhiga ka jaray. Xirsibaa meeshaas soo kormeeray. Xirsibaa safarkaa ku wehelinayay madaxweynaha ama wasiir hebel… Xirsibaa…Xirsibaa……  Hadaba tolow Xirsigan umaddii jaqaaq kaga siiyay ee dadkii oo dhan yar iyo wayn hadal hayaan muxuu ahaa.  Bal Adba……
Xirsi  Xaaji Xassan waxay ahayd markii ugu horeysay ee la maqlay ee uu ka soo muuqday saaxadda siyaasadda Somaliland markii uu xisbiga Kulmiye u magacaabay in uu noqdo xubin Komishanka Doorashooyinka qaranka la tirsan. Muddo badan xilkaasi muu hayn waxaanu uga tagay si aan qurux badnayn. Waxa xigtay in wakhtigii Daahir Riyaale madaxweynaha ahaa loo xidhay falal argagixiso iyo abuurid qalalaase, ka dib markii lagu eedeeyay in uu baabuur qoryo ku rakibayay. Muddo koobanse ka dib waa la sii daayay.
Xirsi wuxuu saaxadda siyaasadda dib ugu soo noqday markii Madaxweyne Silaanyo loo doortay kursiga waddanka laga maamulo sannadkii 2010kii. Xirsi waxa lagu magacaabay xil loo waayay wax lagu sheego Afsomali ahaan  oo ahaa “Chief of Cabinet” oo markaa ahayd wax ku cusub xukuumadda, waxaanu isla markiiba noqday qof saamayn badan ku leh madaxtooyada iyo hawlaha xukuumaddaba.
Xirsi wax yar ka dib waxa loo magacaabay wasiirka madaxtooyada. Hadaba sida la wada ogyahay xirsi ma aha wasiir madaxtooyo oo shaqadii wasiirka haya, balse wuxuu qabtaa shaqooyin badan. Su’aasha aan markasta isweydiiyo ee dad kale oo badanina ila qabaan waxay tahay sababta uu Xirsi uga duwanaaday intii wasiir madaxtooyo ee soo maray Somaliland intii ay jirtay. Waxa la isweydiin karaa Xirsi miyuu ka aqoon badan yahay xubnahaasi – waa maya,  miyuu ka khibrad iyo waayo aragnimo badan yahay – waa maya, miyuu ka karti iyo dedaal badan yahay – iyaduna waa maya,  mise tolow wax kale ayaa meesha jira. Sida runta ah Xirsi isagaa ugu hooseeya xaga aqoonta intii wasiir ee soo martay wasaaradda madaxtooyada. Isagaa ugu khibrad yar, isagaana ugu karti iyo dedaal yar, hadii aan laga hadlayn fudaydka, indha adayga iyo xishood la’aanta aanu waxba xeerinayn. Hadaba maxay ku dhacday in Xirsi noqdo Xirsigan awoodda badan, Xirsigan meel walba taagan, Xirsigan wafti walba la socda, Xirsigan cid walba u jawaabaya.  Jawaabta su’aalahaasi hal arrin ayay ku soo ururaysaa oo ah in Xirsi madaxtooyadu adeer u tahay ama adeerkii fadhiyo qasriga, lana siiyay awooddo aanu xaq u lahayn wasiir ahaan iyo kalsooni buuxda oo uu ku samayn karo wixii uu doono. Xirsi maanta wuxuu yahay ama u dhigmaa madaxweyne ku xigeen awood badan. Shaqooyinkii madaxweynuhu u wakiilan lahaa madaxweyne ku xigeenka iyo qaar kale ayuu Xirsi hayaa. Xirsi wuxuu qaabilaa dhamaan dadka u socda madaxweynaha. Wuxuu door wayn ku leeyahay magacaabista xubnaha sare ee xukuumadda. Wuxuu dusha ka maamulaa hawlaha xukuumadda guud ahaan iyada oo uu wasiirada oo dhan la xidhiidho isagoo isticmaalaya shaadhkii madaxweynaha.  
Marka aynu eegno sida uu yahay qaabdhismeedka xukuumaddu, wasiir kastaa wuxuu u xil saaran yahay shaqo gaar ah. Ma jiro wasiir ka sareeya wasiir kale, balse mid waliba shaqadiisa ayuu u madax bannaan yahay. Waxa wasiiradda la xisaabtamaya madaxweynaha ama madaxweynee ku xigeenka hadii madaxweynuhu maqan yahay ama uu u igmado xilkaasi.
Nasiib darro Somaliland maanta waxa ka jira wasiir ka sareeya wasiirada kale. Wasiir waxna eryi kara waxna magacaabi kara. Wasiir la xisaabtami kara wasiirada kale. Wasiir taagan meel kasta oo madaxweynuhu taagan yahay. Wasiir haysta doorkii madaxweyne ku xigeenka oo waliba awood uu u siiyay madaxweynuhu.
Badi muranada siyaasadeed iyo khaladaadka xukuumadeed ee dhacay intii madaxweyne Siilaanyo xukunka hayay, waxa lug ku lahaa ama sameeyayba Xirsi. Sidaas oo ay tahay hadana ma jirto wax la iska waydiiyaa.
Hadii madaxweynihii aanu qaban Karin shaqadii qaranka uu u hayay ama ay culays ku tahay waxa dastuurku uu caddeeyay in uu madaxweyne ku xigeenka u igmado inuu ka caawiyo. Balse maanta Somaliland waxaad moodaa in madaxweynihii laga boobay shaqadiisii, isaguna uu ku farax san yahay in cid kale waddanka iska maamulato, isagana laga dul qaaday culayskii. Sababaha aan u daliishanayo in madaxweynuhuu hawlihii qaranka uga hadhay cid kale oo Xirsi hormood u yahay waxa kow ka ah may dhicin in madaxweynuhu u baxo safar aanu Xirsi wehelinayn. May dhicin in madaxweynuhu galo kulan ama shir aanu Xirsi ku jirin. May dhicin in madaxweynuhu booqdo xafiis ama ka hadlo madal iyada oo aanu Xirsi ag taagnayn. Miyaynaan markaa odhan karin, madaxweynaha waxa loo isticmaalaa muuqaal ahaan keliya balse shaqadiisii waxa haya cid kale oo Xirsi kow ka yahay.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ahaa hogaamiye soo jeeda, dadka la hadla, bulshada ka warhaya, dareensanna xaaladda guud ee qaranka, nasiib darro madaxweyne Siilaanyaha maanta fadhiya kursiga madaxtooyadu maaha siilaanyihii aynu naqaanay. Waa Siilaanyo muuqaal ahaan uun u jooga, balse ruuxdiisii aan la garanayn meel ay ku maqan tahay.
Guntii iyo gabagabadii, hadii ay jirto duruuf madaxweynaha u saamixi wayday in uu daboolo masuuliyadii laga rabay, ha ku keeno xanuun la soo gudboonaaday ama duruuf kalabee waxa qurux badan in madaxweynuhu qaybo ka mid shaqadiisa u igmado madaxweyne ku xigeenka. Hadii ay xaaladdu tahay mid aanu madaxweynuhu gudan Karin masuuliyadiisa guud ahaanse, waxa muhiim ah in sida dastuurku dhigayo looga wareego oo xilka lagu wareejiyo madaxweyne ku xigeenka inta doorasho waddanka ka dhacayso.
Allaa Mahadleh,
 
Yousuf Cabdillahi Cali
Yousufcade@yahoo.com
Nairobi, Kenya