Boqortooyada Sucuudiga oo il-dubloomaasiyadeed ku eegtay codsi dawladda Somaliland u gudbisay!

iyaadh, 14 August, 2013 (Ogaal)- Dawladda Sucuudi Carabiya oo ka mid
ah dawladaha Islaamka ee liddiga ku ah siyaasadda iyo Qadiyadda
Somaliland, ayaa markii u horreysay soo dhawaysay isla markaana
ballan-qaadday fulinta codsi Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u
gudbisay.

Boqortooyada Sucuudiga oo Soomaalida ay ku jiraan muwaadiniinta
Somaliland u dhalatay ee sharci-darrada ku joogta dalkeeda u


mastaafurisa magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya, ayaa ogolaatay
inay muwaadiniinta Somaliland u dhalatay u soo mastaafuriso dalkooda
isla markaana ay ka reebto dadka u dhashay Soomaaliya, ka dib markii
ay Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland oo arrintan ogaatay ay
xidhiidh la samaysay wasaaradda khaarajiga ee dalkaasi Sucuudiga.
Ma jiro war rasmi oo arrintan ku saabsan oo ka soo baxay wasaaradaha
Arrimaha Debedda Somaliland iyo dalka Sucuudigaba, , haseyeeshee xogo
aanu ka helay ilo-wareedyo ku sugan dalka gudihiisa iyo debeddiisa
[Sucuudiga], ayaa noo xaqiijiyey in wasaaradda Arrimaha Debedda gaar
ahaan wasiirka Wasaaraddaasi uu xidhiidh la sameeyey hay’adaha maamul
ee boqortooyada Sucuudiga, kuwaas oo sida ay xogahaasi sheegeen uu
wasiirku ka dalbaday boqortooyada Sucuudiga in Muwaadiniinta u
dhalatay Somaliland si toos ah diyaarad loogu keeno waddankooda,
arrintaas oo timi ka dib markii sida la sheegay laga war-helay in
muwaadiniinta Somaliland oo tiradooda lagu sheegay Shan Haween ah laga
dejinayo magaalada Muqdisho.
Warku waxa uu intaas ku daray in Wasaaradda Arrimaba Debedda ee
Sucuudigu aqbashay codsiga ay Somaliland u gudbisa, isla markaana ay
dadkaas si toos ah uga soo dejiso Somaliland.
Tallaabadan ayaa noqonaysa markii u horreysay ee boqortooyada Sucuudi
Carabiya ay si toos ah uga jawaabto xidhiidh dibloomasiyadeed oo
dhexmara Somaliland, isla markaana ay aqbasho codsi Xukuumadda
Somalilandu gudbiso.
Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa haddii dhabowdo isla markaana
dawladda Sucuudigu fuliso, waxa uu noqonaya weji cusub oo u furmay
siyaasaddii iyo xidhiidhkii dibloomasiyadeed ee u dhexeeyey Somaliland
iyo Sucuudiga.