Cilmi-baadhid: Ragga Oo La Sheegay Inay u Nugul Yihiin U Dhimashada Jaceylka Gogosha (Galmada)

Berberanews-Daraasad lagu sameeyay Jaceylka Gogosha (Galmada) iyo dhibaatooyinka ka soo gaadha Ragga iyo haweenka ayaa lagu ogaaday inay raggu yihiin kuwa ugu dhibaatada badan ee halista ugu weyn ka soo gaadho xidhiidhka jinsiyeed ee labada qaybood dhex mara.


ffff
Daraasada oo Khubaro Jarmal ah ay sameeyeen ayaa sheegeysa inay raggu u dhintaan jaceyl dartii marka ay ku jiraan falgalka Jinsiga, waxaana la sheegay in Halkii million ee Rag ah laba kamid jaceyl u dhimato inta ay ku dhex jiraan falka galmada. 
Khabiir ka tirsan Jaamacadda Frankfurt ayaa sheegaya in Wadnaha oo istaaga ay u sabab tahay geerida ku timaada Ragga inta ay falkaa ku jiraan.

 
Source: German Midecal Journal….Frankfurt. 
By: Osman Abdillahi Sool….Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com