Maxaa keena biya baxa deg dega xilliga galmada (premature ejaculation) Aqriso qodobo muhiim ah

Caafimdd-(Xogmaail/Berberanews)-Waxa xaqiiqo ah in waxkasta oo qofka ku dhacaa ay leeyihiin sabab, hadaba dhibatadan oo noqotay mid ku baahaysa dhalinyarta da, yarta ah ayaa waxaynu soo qaadan doona dhowr qodob oo ah waxyaabaha keena inuu qofku hore u biyo baxo.
1- Dhibaato nafsiyan ah (psychological factors) (personal problems) qofka oo shaqo badan haya maalintii oo dhan kadibna marka uu guriga yimaado aan ka helin haweenaydiisa soo dhawayn aad u saraysa, in qofku uu kalsooni daro ka qaado haweenaydiisa ama gabadhu ninkeeda aanay aad ugu kalsoonayn.(sexual feelings), qofka oo wakhtiga uu galmada bilaabayo dareema iskubuuq badan (excessive nervousness owing to sex). Soojeedka habeenkii oo isaguna ka mida waxyabaha keena, iyadoo loo bahanyahay qofku inuu yareeyo soo jeedka faraha badan.

rrr
2- Qofka oo ay la soo darsaan dhibaatoyin xaga jidhkisa ka imida kuwaas oo ay ka mid noqonayaan, qanjidh xanuunka (thyroid gland) xiniinta oo ku xanuunta (prostate infective diseases) iyo cudurada ku dhaca maskaxda

3- Cabida sigaarku waxay qeyb weyn ka qaadataa dhibatadan in qofku uu xajin waayo biyaha wakhtiga galmada, sababtoo ah unugyada dhiiga qaada waxay noqdaan kuwo aad u yaryar (our cells become smaller due to smoking) markuu qofku sigaarka cabo, taasoo sababta in dhiiga qofku uu xoog u shaqayn waayo (poor blood circulation).
4- Cunista qaadka, waxa laga yaaba dad badan inay is waydiiyaan waa maxay sababta cunista qaadku ay biyo baxa u keento, qaadka oo ay ku jiraan maadooyin badan oo raacsan qaybta mukhadaradka (drug additctive) qofku marka uu qaadka cuno waxa laga yaaba in hamiga uu u hayo inuu la galmoodo xaaskisu uu yahay mid aad u sareya (high capulation drive) lakin inka yar 3 daqiiqo ama 2 daqiiqo ayuu qofku ku biyo baxaa (early discharge) isagoo markiiba noqda qof hurdo hayso, taasna waxa ugu wacan cunista qaadka oo ah daroogo la dagaalamaysa jidhkena (physical and mentally problem) qofkuna aanu awoodin inuu marlabaad xaaskisa u tago.
5- arrintan oo ah tan ugu muhiimsan ee dhakhaatiirka caalamku isku raaceen inuu keeno biyo baxa deg dega ah 80% ayaa waxa loo yaqaan afka qalaad(masturbation) ama qofka oo isagu gacantiisa iskaga keena biyaha isagoo kali ah. Waxa loo yaqaano ( siigada ) Waxaana la ogaaday in dhalinyarada ay ugu wacantahay in boqolkiba 70 ay ku keento dhibatadaasi biya baxa deg dega ah marka uu qofku guursado waxa loo yaqaano siigada. Cudurada sababa biya baxa deg dega xilliga galmada waxaa ka mida.
(1): cudurka baabasiirka oo ah cudur khatar ah ahna cudurka ugu horeeya ee sababa biya baxa deg dega ayaa ugu badan asbaabaha keena biya baxa deg dega ah iyadoo waliba la socdaan tabar yari xagga raganimada ah boqolkiiba 80 ayuu sababaa baabasiirku biya baxa deg dega xilliga galmada.
(2): cudurka sonkorowga ayaa isaguna ah sababaha keena biya baxa deg deg ah.
(3):qalliimada qaar ee lagu sameeyo xubnaha taranka ragga oo iyaguna sababa biya baxa deg dega xilliga galmadda.
(4): xanuunada qaar sida infekshanada qaarkood iyo xanuunada kilyaha ku dhaca qaarkood ayaa iyaguna sababi kara biya baxa deg dega ah.
(5):bixinta mid kamida xiniinyaha ragga oo iyaduna sababi karta biya baxa deg dega ah. Daaweeyn malee yahay biya baxa deg dega ah? Haa daaweyn rasmiya ayuu leeyahay si fudud ayaana looga bogsoodaa biya baxa deg dega ah inshaa allaah. Haddii aad isku aragto Astaamahaasi la xiriir Dhaqaatiirta Caafimaadka.

Sources, Xogmaalnews.com