Muslimiinta Burma oo go’aansaday inay iska difaacaan Xasuuqa Isir-gumaadka ah ee Buudhiiska dalkaasi ku hayo

Burma(Berberanews):-Muslimiinta Rohingiya ee wadanka Burma oo muddooyinkii dambeba ay ku socdeen dagaal ka dhan ah, isla markaan si is-daba-joog ah loogu hayay xasuuq isir-gumaad ah, ayaa go’aan ku gaadhay in ay is difaacaan.

muslimiinta barma

War uu faafiyay Website-ka Arrahmah.com oo taageeraya dhaq-dhaqaaqa wax iska caabbinta, ayaa lagu sheegay in Muslimiinta Rohingiya ee Burma ay si rasmi ah ugu dhaqaaqeen Jihaad ay isku difaacayaan oo ay ku badbaadinayaan naftooda iyo maalkooda labadaba.

Go’aankan ay qaateen Muslimiinta dalka Burma ayaa laga yaabaa in uu wax badan ka beddelo dhibaatooyinkii lagu hayay, isla markaana  immika  arrintooda hoos loo eego oo wadahadal lagu dhammeeyo uu caalamku soo dhex-galo.

Muddo badan ayaa dagaal ka dhan ah lagu hayay Muslimiinta dalka Burma oo la soo gaadhsiiyay dhibaatooyin aan marnaba waxba laga qaban, isla markaana beesha caalamku ku daawanaysay dagaalka Diimeed ay Buudhiiska dalkaasi ku hayaan Muslimiinta oo ay xasuuq Isir-gumaad ah si joogto ah ugu laynayeen illaa Carruurta Muslimiinta Burma.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.