Hargeysa: Carwo lagu soo Bandhigay Waxyaabaha Qurxinta iyo Nafaqaynta Jidhka oo Dabiici ah

Hargeysa-(Berberanews)-Carwo lagu soo bandhigay waxyaabaha loo adeegsado qurxinta iyo nafaqaynta jidhka bini’aadamka oo dabiici ah, ayaa laga furay xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ee caasimadda Hargeysa.

Adeegyada carwadan lagu soo bandhigay oo ka kooban noocyada kariimyada wejiga iyo jidhka, saliidaha timaha iyo waxyaabaha kale ee dumarku wejiga ku qurxiyaan oo uu sameeyey kambani lagu magacaabo African Nature oo saldhiggiisu yahay dalka Canada, taas oo ay waddanka keentay haweenay reer Somaliland, waxay muddo shan maalmood ah ka socon doontaa xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda.

qalab1 qalab4

Marwo Fatxiya Xaashi Maxamed oo ah haweenayda dalka keentay qalabkan dukaamaysiga jidhka oo hadal ka jeedisay xaflad loo sameeyey shalay furitaanka carwadaasi, ayaa sheegtay in kariimyada kala duwan iyo adeegyada kale ee ay keentay yihiin kuwa lagu saleeyey midabka jidhka dumarka Soomaalida ah.

“Kambinigayagani waxa uu jiraa muddo toddoba sanno ah, markaa sannadkii hore oo aan Somaliland imi ayaa waxaan arkay in waxyaabo badan oo kala duwani yaalaan in loo baahan yahay waxyaabo dabiici ah oo aan aaminsanahay in tahay wax ay dadkeennu isticmaali karaan, waxaannu soo saarnaa 34 shay ama alaabo oo kala duwan oo waxyaabahan aan keenay yihiin kuwa ugu horreeya sida kamiiryada wejiga oo uu qofka bini’aadamka ahi u baahan yahay habeen iyo maalinba, waxa kale oo aad ii warwargeliya waxyaabaha inta badan dumarkeennu wejiga ku qurxiyaan oo u badan kuwa loogu talogalay dumarka jidhkoodu caddaanka yahay ee reer galbeedka, markaa waxaan jeclaystay in aan alaabta ku soo darno qurxinta wejiga oo isugu jirta kiriim iyo budaba oo aannu shan midab uga soo dhignay gabadha Soomaaliyeed. Waxa kale oo jira kiriimyada hadhka iyo saliidaha timaha oo faa’iido badan u leh dadkeenna,” ayey tidhi Fatxiya Xaashi Maxamed.

qalabka3 qalabka2

Dhinaca kale, Cabdillaahi Maxamed Axmed oo ka mid ah dhallinyarada aqoonyahanka ah ee dalka oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa bogaadiyey carwadan oo ku tilmaamay mid muhiimad wayn u leh Somaliland, isla markaana ka sakow waxyaabaha qurxinta iyo nafaqaynta jidhka ah ee ay xambaarsan tahay samaynaysa shaqo abuuris faa’iido bulshada u leh.

Berberanews.com

info@berberanews.com