“Waa la heshiiyeyna waa la yidhi dadkiina looma sheegin waxa lagu heshiiyey, sababta oo ah…” Guddoomiyaha XAQSOOR Muj. Xasan Ciise

Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedkii XAQSOOR ee ku hadhay doorashadii Golayaasha degaanka Muj. Xasan Ciise Jaamac, ayaa ka hadlay heshiis dhawaan la sheegay in ururkiisu la gaadhay xukuumadda talada haysa.

Muj. Xasan Ciise waxa uu sheegay in aannu weli dhammaystirnayn wadahadalka ay la leeyihiin xukuumadda, isla markaana uu hadhsan yahay wareeg kale oo lagu faahfaahinayo heshiiska labada dhinac.

War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha XAQSOOR oo uu kaga hadlay wadahadalka iyo heshiiska la shaaciyey, waxa uu u qornaa sidan:

“Wadahadalladii u dhexeeyay ururka XAQSOOR iyo xukuumadda Somaliland qaybtiisii hore waxay ku dhammaatay afar qodob oo guud oo ay isku raaceen gudigii laba geesoodka ahaa, gudigaasi muddo sadex bilood ah ayuu muujiyey dadaal badan, waanay ku mahadsan yihiin.

Waxa markaas hadhsan in qaybta labaad ee wadahadallada loogu talogalo in tafaasiishii loo galo. Marka marxaladaas labaad la gabagabeeyo ayaa dadka loo sheegi karaa tafaasiisha qodobada lagu heshiiyo. Iminka waa la heshiiyeyna waa la yidhi dadkiina looma sheegin waxa lagu heshiiyey waxa uu yahay, sababta oo ah waxaan la gaadhin oon imika la hayn tafaasiishii qodobada ay tahay in lagu heshiiyey. Arrintani waxay dhalisay su’aalo ka badan inta ay ka jawaabtay.

Waxaan xasuusinayaa taageerayaasha XAQSOOR iyo shacabka Somaliland in Xaqsoor aan cidina uga lexojeclo badnayn wanaaga dalka Somaliland iyo midnimada dadweynaha reer Somaliland.  XAQSOOR si daacad ah ayuu u galay wadahalladan, waxaannu diyaar u yahay inuu ku dhammaystiro si caddaallad ah oo xaqsooraysan oo ay ku jirto danta iyo wanaaga waddankeenan qaaliga ah ee Somaliland. Waa haddii laga helo dhinaca kale ee xukuumada maanta xilka iyo ammaanadu saaran tahay,” ayuu ku yidhi qoraalkiisa Muj. Xasan Ciise Jaamac.

Berberanews.com

info@berberanews.com