Dhagayso: Prof: Axmed Ismaaciiil Samatar oo si diirran Hargeysa loogu soo dhaweeyey iyo Waxyaabaha uu ka hadlay

Hargeysa(Berberanews):- Prof Axmed Ismaaciil Samater oo ah Aqoonyahan reer Somaliland, isla markaana 22-kii sano ee u dambeeyey si weyn u taageeri jiray qaddiyadda midnimada Soomaaliweyn, ayaa galabta soo gaadhay magaalada Hargeysa, isaga oo markii uu diyaarad ka soo qaadday Berbera ka ga soo degay garoonka Cigaal ee Hargeysa dhulka dhunkaday.Prof Axmed IS SAMATARS

Prof Axmed Ismaaciil Samater, oo bishii sagaalaad ee sannadkii 2012-ka u tartamay jagada Madaxwaynenimo ee dalka Soomaaliya, balse ku hongoobay, ayaa bil ka hor iska casilay xubinnimada Xildhibaannimada Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Baarlamaankii la soo doortay 2012-kii ayaa waxa madaarka ku sugayey boqollaal qof oo reer Somaliland ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Madax-dhaqameedka kala duwan ee reer Somaliland, kuwaasi oo qaarkood ka yimaadeen Magaalada Borama.

 Prof Axmed Ismaaciil Samater oo markaa ka dib saxaafada hadal kooban ku siiyay qolka Nasashada Ee Madaarka diyaaradaha Hargeysa, ayaa sheegay inuu ku  faraxsan yahay inuu dalkiisa hooyo ku soo nabad noqdo, waxaanu yidhi; “Somaliland waa dalkaygii, waana dhiigaygii, wax badan ayay qabsadeen lamana dafiri karo, cid walbana inay u soo istaagto ayay ku khasban tahay.”

“Saylac ilaa Ceerigaabo ayaan marayaa, dadkaan wareysanayan, aniguna war badan baan sidaa” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Markaan xogta dadka ka urursado ee aan xukuumadda, odayaasha, dhalinyarada iyo bulshada Somaliland la kulmo ayaan si rasmi ah u hadlayaa.” Sidaa ayuu yidhi Prof: Axmed Ismaaciil Samatar.

Codka Warka Axmed Ismaaciil Samatar oo dhammaystiran halkan guji si aad u dhagaysato waxyaabaha uu ka hadlay.samatar

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.