Qaliin lagu sameeyay wiil yar oo qaybtiisa danbe ee midhicirka uu ku samaysmay aadame u eeke

May-09-2013-Berberanews-(Caafimaadka)-Dr.Saleebaan Cabdi Guuleed ayaa ku guulaystay inuu qaliin ku sameeyo wiil yar oo qaybtiisa danbe ee midhicirka uu ku samaysmay aadame u eeke uu keeno xanuun la yidhaahdo Teratoma.

Ilmahan qaliinka lagu sameeyay oo sagaal bilood jiray ayaa waxa laga soo saaray aadame u eeke leh xubnoqalliin Cago,Gacmo,t imo iyo waliba qaab u eeg ilmo kale. Xanuunkan Teratoma ayaa ah mid la arko mar mar kooban isla markaasna ku samaysma inta badan midhicirka waxaana uu yeelan karaa ilko, gacmo, lugo iyo jidh u eeg ka aadmaha.

Dr.Saleebaan Cabdi Guuleed oo qaliinkan ku sameeyay cisbitaalka Gargaar, oo ah cisbitaal casri ah, oo wargeyska Geeska Afrika u waramay qaliinkaas ka dib  ayaa sheegay in qaliinkaasu uu qaatay wakhti kooban, isla markaasna ay ilmahaas kaga soo saareen ilme u eekahan xanuunku uu keenay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “ Marka qaliin ahaan loo eego wakhti badan nagumuu qaadan ilaa saacad ayaanu qaliinkan wadnay. xanuunkan waa mid inta badan la arko oo dhaca laakiin xubnaha taranka iyo uur ku jirta ayaa lagu arkaa, waxaanu kaga jiray ilmahan midhicirka dhabarkiisa, sagaalkan bilood ee uu ilmahu jirayba waa uu ku sii koraayay oo waa uu ku sii balaadhanaayay, waa la arkaa inta badan xanuunkan laakiin tirada dadka lagu arko ayaa aad u yar.”

Ilmahan sagaalka bilood jiray ee qaliinka lagu sameeyay ayaa ay  xaaladiisa caafimaad wanaagsanayd, ka dib qaliinkaas waxaana haatan wali ilmahaas waalidiintiisu ay ku hayaan cisbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa.