Madaxweyne Siilaanyo oo hambalyo u diray 22 guuradda ka soo wareegtay Markii Ethiopia ka guulaysteen Taliskii Mililik

Hargeysa(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dawladda iyo shacbiga dalka Ethiopia  oo uu ku bogaadiyay munaasibadda 22 guuradda ka soo wareegtay

markii shacbiga Ethiopia ay ka guulaysteen rijiimkii Taliskii Milateriga ahaa ee uu hogaaminayay Mingiste Haile Mariam.
Sidaana  waxa lagu sheegay war-saxaafadeed caawa kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda oo uu ku saxeexanyahay Xoghayaha Gaarka ah ee xafiiska Afhayeenka Madaxtooyadda Mr. Naasir Yuusuf Daahir,  Dhanbaalka hanbalyada ayaa u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ku hadlaaya afka Shacbiga Somaliland iyo ka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Dalka aynu wallaaha iyo Jaarkaba nahay ee Ethiopia iyo Shacbi weynaha Dalkaasi.
Madaxweynuhu wuxuu ku Hambalyeynayaaya sanad guurada 22-aad ee ka soo wareegtay markii ay shacbiga Ethiopia ka guulaysteen Rajiimkii militeriga ahaa ee xiligaasi xukumaayey Dalka Ethiopia oo ku beegan 28/05/2013.
Maalintan oo ah Maalin Taariikhda Ethiopia Qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweynuhu u rajaynayaa Shacbiga iyo Dawladaba inay Sannadka, Sannadkiisa ku gaadhaan Guul, Barwaaqo, iyo Ethiopia oo ka sii horumarta halka ay maanta marayso.” Ayaa lagu yidhi dhanbaalka hanbalyada ah ee Madaxweynaha Somaliland u diray dalka Ethiopia.