Wasiirka Duur: Godka Somaliwayn kuwii u dambeeyay ee gaadhay guuldaro ayay kala soo noqdeen”

 Boorama-(Berberanews)-Wasiirka arrimaha gudaha Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur),  ayaa sheegay in aanu jirin Somaliland meel lagu doorsado, taasi oo tusaale u soo qaatay masuuliyiintii u dhashay Somaliland ee hankooda siyaasiga ah hungadii ay kala kulmeen midnimadii Somaliweyn.

“Somaliland waa guri aan anigu is leeyahay in la sii adkeeyo mooyee meel looga guuri karaa ma jirto, godka Somaliwayn kuwii u dambeeyay ee gaadhay guuldaro ayay kala soo noqdeen maragna  waad u tihiin, wixii xukuumada lay farayo iyo wixii shacabka lay farayo ayaan diyaar u ahay, si tuhunka aynu uga saarno, tuhunkuna waxa uu keenaa tafaraaruq iyo kala tag, waxaynu doonaynaa maynaan gaadhin halka aynu doonaynay inaynu midnimo iyo walaalnimo ku gaadhno halka aynu doonano Insha Allaah”.Sidaa waxa wasiirka arrimaha gudaha Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo hadalkan ka jeediyay munaasibad Hadhimo-sharafeed uu ugu sameeyay Borama Madax-dhaqameedka, Odayaasha iyo Waxgaradka degaankaasi, oo uu hogaaminayo Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble, Ugaas Doodi, iyo masuulliyiinta Gobolka Awdal
Ugaas c/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, isna munaasibadaasi ka hadalay ayaa soo jeediyay in midnimada iyo nabadgalayada la illaaliyo isla markaan lagawada shaqeeyo, waxaana yidhi,
“Waad mahad santihiin xukuumad iyo shacaba inay nabad galyadeena iyo midnimadeena sii adkaysano oo khilaafkana layska ilaaliyo  madaxda dowlada iyo madax dhaqameedku wada shaqeeyaan taas ayaa cid walba wax u taraysa dowlad iyo shacaba”.
Masuuliyiinka gobolka Awdal iyo masuuliyiinka degmada Boorama, oo madashaasi ka hadalay ayaa sheegay in nabad galayada gobolka guud ahaan ay sugan tahay.

Madashan ayaa laysku waydaarsaday hadalo duurxula oo u badan tabashada beesha degaankaasi qabaan, iska markaana odayadii madasha ka hadlay ka codsadeen in tabashadooda uu gaarsiiyo madaxwaynaha iyo madaxwane ku xigeenka Somaliland.

Berberanews.com
info@berberanews.com