Xisbiga Mucaaridka UCID oo dedaafeeyay Riyada Midnimmada Soomaaliweyn

Hargeysa-(Berberanews)-Xisbiga Muraacidka UCID, ayaa cambaareeyay  faro-gelin  iyo xad-gudub siyaasadeed oo oo ay sheegeen in masuulliyiinta Soomaaliya ku hayaan Madaxbannanida Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga UCID oo uu ku saxeexanyahay Ku-xigeenka arrimaha gudaha, Xuseen Xasan Badmaax, ayay uga digeen inay joojiyaan riyada.

War-saxaafadeedkaas oo dhammaystirana waxa uu u dhignaa sidan: “Xisbiga caddaalada iyo Daryeelka ee UCID, waxa uu u taaganyahay ilaalinta jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland, fulinta go’aanka shacabka ee madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland. Waxa aanu si aad ah u cambaaraynaynaa fara-gelinta iyo xad-gudubka siyaasadeed ee joogtada ah ee ay dawlada Somaliya ku hayso Jamhuuriyada Somaliland.

Hadalka ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta,  Isgaadhsiinta  iyo Gaadiidka Somaliya waxa uu muujinaya khiyaamada ay dawlada uu ka tirsanyahay kula jirtay qodobadii ka soo baxay shirkii Ankara, waxaanu leenahay dawlada uu hogaamiyo Xasan Sheekh, waanu garanay ula jeedada aad ka lahaydeen wadahadaladii inoo socday inaad midnimo muusaysan hoosta ka wadeen.

Waxa aanu leenahay joojiya riyada aad ku jirtaan, kuna laabta xaqiiqada ah inay dalka iyo hawada Jamhuuriyada Somaliland midna aanay ka mid ahayn Somaliya, nahayna laba dal oo jaar ah.”

Berberanews.com

info@berberanews.com