Ingiriiska oo si taxadar leh uga hadlay go’aankii Somaliland kaga mamnuucday hawadeeda diyaaradaha UN

London(Berberanews):- Xukuumadda Ingiriiska ayaa markii koowaad ka hadashay go’aankii Somaliland garoomadeeda kaga mamnuucday diyaaradaha UN-ka inay fadhiistaan ama ka duulaan madaarada dalkeeda.220px-Mark_Simmonds,_October_2009_1_cropped

Wasiirka UK u qaabilsan Africa iyo wadamada barwaaqo-sooranka, Mark Simmonds oo shalay su’aalo toosa lagu weydiinayey twitter-ka ayaa sheegay in Ingiriisku aqoonsan yahay helitaanka aqoonsi caalami ah, laakiin, tahay inay Soomaalida inay isla gaadhaan heshiis sida xidhiidhkooda mustaqbalku noqon doono

Wasiir Simmond, oo la weydiiyey, Maadama Ingiriisku aqoonsaday Soomaaliya, in la gaadhay wakhtigii uu ka shaqeyn lahaa aqoonsiga Somaliland oo muddo dhaafay, ayuu ku jawaabay, “Ingiriisku wuu aqoonsan yahay hadafka Somaliland, laakiin, waa inay Soomaalida inay isla gaadhaan heshiis sida xidhiidhkooda mustaqbalku noqon doono.”

Wasiirka Afrika ee Ingiriiska oo la weydiiyey inkastoo wada xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya horumar samaynayo, side dalkiinu u arka ain mushkilada hawadu caqabad ku noqoto, ayuu ku jawaabay, “Arrinka hawadu dhab ahaan waa sababta wada xaajoodka Somaliland iyo Soomaaliya muhiim u yahay inay wada hadlaan.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.