Hantidhawrka Qaranka oo caddeeyey inay baadhitaanno cusul ka bilaabi doonaan xarumaha dawladaha hoose ee dalka iyo maamullada golayaasha degaannada cusub

Wajaale-(Berberanews)-Fadeexado ka dhashay juwanno been-abuur ah oo lagu lunsado cashuuraha dalka oo hore loogu ogaaday xarunta Madbacadda Qaranka ee magaalada Hargeysa, ayaa hadda ku sii fiday kastamada cashuuraha qaadka iyo khudaarka ee magaalooyinka Kalabaydh iyo Tog-wajaale oo ka tirsan Gobolka Gabiley.

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Aw Cabdi (Maxamuud-dheere) iyo koox uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Xarunta Hantidhowrka, ayaa baadhis kedis ah ku saabsan juwanno been-abuur ah oo ay muddooyinkii u dambeeyey ku daba jireen ka bilaabay hiirtii waaberi ee shalay kastamada ku yaal Gobolka Gabilay, gaar ahaan Kalabaydh iyo Wajaale.

“Waxaannu wadnaa baadhis kooban oo ku saabsan juwanno been-abuur oo aannu dabagal ku wadney, kuwaas oo aannu ka soo bilownay xagga Hargeysa, halkan (Wajaale) iyo Kalabeydhna waannu ka baadhi doonnaa. Qaadlaha iyo qolyahaas ayaa laga helay juwannada been abuurka ah,” ayuu yidhi Hantidhawraha Guud oo magaalada Wajaale ugu warramay shalay weriye ka tirsan shabakadda Hadhwanaagnews, isagoo xusay inay ku daba jiraan juwanno been-abuur ah oo ay qaarkood gacanta ku dhigeen.

Baadhitaannada kediska ah ee Hantidhawrku ka bilaabay kastamada magaalooyinka Kalabaydh iyo Wajaale, ayaa sida la sheegay waxay ku xidhiidhsan yihiin baadhis hore loogu sameeyey Madbacadda Qaranka oo daabacda dhammaan noocyada kala duwan ee dukumantiyada dawladda Somaliland, isla markaana lagu qabtay buuggaag kuwa lacag-qabashada ah oo si qaldan loo daabacay.

Hantidhawre Guud Maxamuud-dheere oo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd inay u qorshaysantay baadhitaanno dhinaca maaliyadda ah oo ay ka bilaabayaan dawladaha hoose ee degmooyinka ku yaal xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya oo la sheegay in aanay badankoodu lahayn xisaab-xidh, waxa uu yidhi; “Waxaannu rajeyneynaa in aannu u baadhno juwannadooda sida ugu dhaqsaha badan. Tuhunno badan ayaa jira, waanuna baadheynaa insha Allaah, qaarna way noo xanniban yihiin oo way calaamadsan yihiin.”
Waxa kaloo Hantidhawraha Guud uu caddeeyey inay dhowaan bilaabi doonaan hawlgallo culus oo ay ku baadhayaan dawladaha hoose ee dalka Somaliland iyo maamullada golayaasha degaannada cusub, tallaabadaas oo xusay inay tahay mid laysku waafajinayo xisaabihii hore ee isticmaalka juwannada dawladaha hoose, isagoo sidoo kalena sheegay inay baadhis ku samayn doonaan nidaamka qaadista noocyada kala duwan ee cashuuraha laga qaado badeecadaha waddanka yimaad iyo qaababka loo isticmaalay kharashaadka khasnadaha dawladda ka baxa.