UK: Ogaysiinaya xaflad lagu soo dhaweynayo musharaxa madaxwaynaha xisbiga UCID‏

OGAYSIIS: Xisbiga UCID oo xaflad mug leh ku qabsandoona Millennium Gloucester Hotel Kensington

LONDON, maalinta Sabtida 11.05.2013

Waxaa xisbiga cadaalada iyo dalyeel (UCID) ogaysiinayaa dhamaan jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan UK in xaflad balaadhan oo ah mid idhaweydba la sugaayey lagu qaban doona Millennium Hotel, maalinta sabtida ee bisha May tahay 11 2013.

Xafladan oo ah mid loogu tallogalay inay ka soo qaybgalaan dhamaan dad weynaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan Ingiriiska iyo qaalada yuruba iyo weliba North America.

Waxaa xaflada lagu soo dhaweynayaa madaxda xisbiga oo dhawaan ka soo kicitimidoona dalkii (Somaliland) hooyo iyo North America. Waftidan waxaa hogaaminaaya gudoomiyaha xisbiga Eng: FAYSAL ALI HUSSEIN iyo Musharaxa madaxweyne ee xisbiga JAMAAL ALI HUSSEIN. Waxaa iyana ka soo qayb gelidoona Madaxdii Yurub iyo UK. Waxa kale oo xafladan ka soo qayb galaya Odoyaal, Aqoonyahano, Abwaano,Ururada bulshada, iyo Marti Sharaf Kale oo Badan oo ka socota Xisbiyada Somaliland iyo Fanaanintaba.

Mar kale dhamaan umada reer Soomaliland ee ku dhaqan dalkan Ingiriiska, gaar ahaan taageeroyaasha xisbiga iyo inta danaysa siyaada waxaan ka coddsanyaa inay ka soo qayb galaan xaflada…

Date: 11/05/2013

Time: 6pm-12AM

Goobta: 4-18 Harrington Gardens

London, SW7 4LH

United Kingdom

Train/Tube: Piccadilly line & District Line

Station: Gloucester Road

Road: A4 Cromwell Road

 

Waxii faahfaahin fadlan la soo xidhiidh telefoonada hoose:

T. +44 (0) 7958348864

T. +44 (0) 7507691986

T. +44 (0) 7534915028

T. +44 (0) 7958045250

 

Guul iyo Gobanimo.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID UK