Ma jirto cid aan la hadalnaa, Xasan Sheekhna waxaan u sheegayaa in anaga ay ahayd cida keentay midnimadii lixdankii.”Faysal waraabe

Borama-(Berberanews)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa farriin adag u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cali Khaliif Galaydh, islamarkaana  sheegay inaanu Madaxweynuhu  awood u lahayn midnimmo Soomaaliyeed,  “U sheega Cali [Cali khaliif galaydh] in Xamar aniga la iga jecel yahay balse aan qadiyada Somaliland ilaalinayo, sidoo kale Xasan Sh. Maxamuud waxa aad u sheegtaan in isagu aanu keeni karin midnimo Soomaaliyeed, waxa lagaaga fadhiyaa inaad midayso intii la isku odhan jiray Somali-Italia, intaas oo kaliya haddii aad midayso waa la wadi hadli karaa balse maanta yaan la hadalnaa, ma Puntland, ma Juba Land, Ma Baay mise Central Somalia, ma jirto cid aan la hadalnaa, Xasan Sheekhna waxaan u sheegayaa in anaga ay ahayd cida keentay midnimadii lixdankii, maantana aan anagu goosanay.”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID
Guddoomiyaha Xisbiga UCID

Eng. Faysal, ayaa soo dhaweeyay go’aankii Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo dhawaan iskaga casilay xubinnimadii baarlammaanka Somalia, soona dhawaynayo  haddii  mid la mid ah haddii uu qaato Cali Khaliif , haseyeeshee ay Khaliif wax kale ugu lammaanyihiin, “Waa muwaadin Somalilander ah, waxa uu soo taabtay waxa aan Xamar kaga maqannahay, waanaan soo dhawynayaa, sidan si lamid ah ayaan ka yeelaynaa Cali Khaliif Galaydh, balse dhibta haysata Cali ayaa waxa ay tahay isaga oo ay wax kale ugu lamaan yihiin, haddii uu Prof. Samatar Hargaysa ka soo dago oo ay xukuumadu ka gaabiso, anaga ayaa caleemo qoyan ku soo dhawynayna”.ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama oo safar ku tegay.
Eng Faysal Cali-waraabe, waxa uu ka hadlay sababta ay Somaliland ku dooratay ka qaybgalka shirkii Turkiga, kuna diiday shirka London, “ Shirka London la inagalama tashan oo waxa ajandihiisa iska qortay Somalia iyo Ingiriiska, waxana ay rabaan inay arinta Somaliland hoos galiyaan, sidaasi aawadeed arinta Somaliland way ka wayn tahay wax la qariyo, sidaas ayaa sababtay inaan diidno, dhinaca kale shirkii Turkigu waa ka duwanaa kan London, waxa uu lahaa midho dhal fiican oo la taabay, wada hadalada Somaliland iyo Somalia waan soo dhawaynaynaa waxana ay qabsoomayaan waqtigii la mudeeyay balse shirka London ma aha mid qaranka iyo ummada Somaliland u cuntamaya”ayuu yidhi.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID, waxa uu faahfaahin ka bixiyay ujeedada safarka uu ku tegay Boorama, waxananu yidhi,“Waxaan u imi wada tashi ballaadhan oo aan la yeelan doono qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa aan rabaa inaan xog urursado ku saabsan aayaha dambe ee dalka sidii salka loogu dhigi lahaa, waxa aan rabaa inaan u gogol xaadho shir balaadhan oo wada tashi qaran ah, oo aan saqiirin sida kii ay xukuumadu ku baaqday oo kale inaan qabano bisha JUNE hadii eebe idmo, waa lagama maarmaan inaan shirkaas qabano sababta oo ah waxa na horyaala arimo badan oo aan wali wax la iska waydin oo ay ka mid yihiin, dastuurkeena wali qabyada ah, beelaha dalka ee isku wada cadhoonaya, golaha guurtida oo noqday meel reeraha laga biilo, iyo xukuumadii aan dooranay oo 3 sano jirsatay oo aanan wali wax badan ka qaban inay dadka midayso oo arimaha na horyaala loo wajaho si laga midaysan yahay” ayuu yidhi Gudoomiye Faysal.
 
Berberanews.com
info@berberanews.com