Burco: Jaamacadda Golis oo dhiirigalin u sammaysay ardayda kuliyadda farsamada wershadaha

Burco-(Berberanews)-Jaamacada Golis faraceeda magaalada Burco, ayaa xaflad dhiirigelin ah ugu qabtay hudheelka Plaza ardayda Kulliyadda farsamada wershadaha (indysterial engneering) oo muddo laba bilood ah ka dib dhammaysanaya.

Munaasibadan waxaa ka soo qaybgalay madaxda heer degmo oo uu ugu horreeyo Gudoomiyaha golaha deegaanka deg-mada Burco Maxamed Murraad iyo ku xigeenkiisa Muxumed Xasan Jaamac (xoday) , gudoomiyaha guud ee jaamacada Golis Dr  siciid Axmed Xasan, Gudoomiyaha jaamacada golis faraceeda Burco  C/xakiin Maxamed C/laahi, iyo weliba xubno metelaayey shirkadaha ay xidhiidhka leeyahiin kuliyadan farsamamada wershadaha sheekh cali warsame iyo marti sharaf kale.
golis bucro

Gudoomiyaha jaamacada Golis  Burco C/xakiiin Maxamed C/laahi oo xafladda ka hadlay, ayaa ka war-bixiyey xaaladahii kala duwanaa ee ay la  soo mareen ardaydan kuliyadani farsamada wershadaha ee wakhtiga yari u hadhsan yahay qalin jabintooda.

Gudoomiyaha guud ee jaamacada Golis Dr Siciid Axmed Xasan ayaa isaguna si aada usoo dhaweeyey ardaydani isla markaana sheegay in kuliyada farsamada wershada (industerial engneering) ay tahay mid u baahan khibrad ay ka korodhsadaan macalimiintooda, loona baahanyahay in wixii ardaydu baratay laga midho dhaliyo.

Siciid
Siciid

Duqa degmada Burco, ku xigeenkiisa mr xoday ,sheekh cali warsame iyo dhamaanba madaxda wershada kala duwan ee ku yaala magaalada burco iyo dhamaanba bulshadii kale ee ka soo qaybgashay munaasibanadani ayaa iyaguna ku amaanay jaamacada Golis, dardar gelinta wax-barrasho ee ay ka waddo gobolada kala duwan ee somaliland, waxaanay kula taliyeen ardaydani wakhtiga koobani u hadhsan yahay in aanay noqon kuwa la aamusa cilmigii la baray ee ay noqdaan kuwo uga faa,iideeya bulshada cilmigii la barray.

Intii ay munaasibadani socotay goobtaasi waxay ardayda barata kuliyada  farsamada wershadaha ay ku soo bandhigeen casharadii ay barteen wakhti yar ka hor.

Jaamacada golis oo iyadu ka mida jaamacadaha jaarka loo leeyahay ayaa iyadu waxaka wadaa guud ahaan somaliland hawlo waxbarrasho isla markaasina lagu cidhibtiraayo jahliga aafeeyey ummada somaliland isla markaasina mar kasta kuliyado cusub ugu so kordhisa arday da wax ka barata  

C/aamiin C/laahi Mahomed(goobjoog)
Xafiiska shebekada caalamigaa ee
Berberanews
burco/somaliland