Maxkamada wareegta Ee gobolka Sanaag Oo go’aanno ka gaadhay dad dembiyo kala duwan ugu xidhnaa degmooyinka gobolka

Ceerigaabo(Berberanews)-Maxkamada guurta ee gobolka sanaag oo uuhogaaminaayo gudoomiyaha maxkamada gobolka sanaag sh  aadan jaamac saleebaan  ay na weheliyaan ku xigeenka xeerilaaliyaha guud ee g/sanaag  shucayb maxamuud cilmi,  iyo qareenka kaalmada sharci garyaqaan cali siciid jaamac , ayaa manta safarhawledkoodii ay ku kormeerayeen xabsiyada  gobolka sanaag kusoo gebogebeeyay xabsiga magaalada Ceerigaabo, qaarkoodna sii daayey .

Kulankan waxa kahadlay gudoomiyaha maxkamda gobolka Sanaag  Aadan Jaamac Saleebaan, xeer ilaaliyaha gobolka sanaag  Shucayb Maxamuud Cilmi , gudoomiyaha ururka qareenada gobolka sanaag  garyaqaan Cali siciid jaamac , waxana hadaladoodii kamid ahaa  “Waxaanu manta soogeba gebaynaynaa safar hawleedkii maxkamada guurta ee gobolka sanaag ,waxaanuna safarkayagan bilawnay 13/4/2013  waxanu dacwado kusoodhegeysaney degmooyinka gar adag iyo ceel afweyn ,waxaankaloo manta halkan kasii deynaynaa oo aan kudhawaaqaaya siideyntooda ,3 sadex kamid aha maxaabiistii aan kula wareegey dhamaadkii bishii labaad xilka maxkamada,kuwaas oo labakamid ah loo haystey dacwado dhiig ah, midkamid ahina tahay gabadh aanay maskaxdeedu dhamastirayn ,waxaanuna magtii ku xukunay caaqiladeeda. Labada kale waxaanu qaraarinay in dacwadooda lagudhegesto c/ afweyn maxkamaduna halkaas uguteyaso waxanuna tixgelinay codsigooda iyaga iyo qareenkooda.” sidaa waxa yidhi Sheekh Aadan jaamac saleebaan.

Xeer ilaaliyaha guud ee Sanaag Shucayb Maxamuud Cilmi ayaa isna kawarbixiyey maxaabiistii kuxidhnayd xabsiyada Gar adag iyo Ceel-afweyn, waxaanuu ammaan usoo jeediyey ciidanka asluubta oo uu sheegay inay dhismayaal badan kahirgeliyeen xabsiyada , maxabiistana sifiinan uladhaqmaan,waxana hadaladiisii kamid ahaa “Waxa xabsiga Gar adag ku xidhnaa 11 maxbuus ,waxa garsuge ahaa 4 mid kamid ahi maxkamada degmada u xidhnaa sadexdiikalenam, go aan ayaa laga gaadhey. Sidookale degmada Ceel-afweyn waxa kuxidhnaa 6 maxbuus kuwaas oo mid kamid ahi garsuge ahaa, kiina maalintii xigtey ayaa go aan laga gaadhey oo hada maxidhna.” ayuu hadalkiisii kusoo geba gebeeyay

Waxa isna halkaasi kahadlay garyaqaan Cali Siciid Jaamac oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa jeediyey,waxaanu hadalkiisa kubilaabay sidan, “Anigu qareen ahaan waanu kuqanacsanahay ,go aankan lagagaadhe sadexdan maxbuus ee lasiidaayey si lamid ah sidii aanu ugu qanacnay ,kuwii laku xukumay qisaasta iyo xabsiga,waayo midkastaa waxay wafaqsanayd ,dabeecadii kiisku udhacay iyo waxayaabihii maxkamada kahor cadaaday ,

 Garyaqaan cali siciid jaamac isagoo kahadlaaya waxaqabadka ciidanka asluubta iyo maamulka xabsiyada ayuuyidhi waxanu siweyn ugu kuur galay xabsiyada gobolka oo kani kamidkayahay habka maxaabiista loola dhaqmaayeey, waxayna dhiseen dhismayaal badan oo dalka dhaxal u ah waana waxqabad muuqda oo ay dheeryihiin hay adaha dawliga ah

Garyaqaan cali siciid isagoo kahadlaaya garsoorka gobolka ayuu hadalkiisa kubilaabay anigoo ku hadlaaya ,afkayga,afka bulshada adnyarta ah ee aanu siino kaalmada sharci,afka maxaabiista xabsiyada gobolka ku xidhan in tooda ugubadan oo aan qareen u ahay  iyo afka ururka qareena ee solla

Waxan leeyahay garsoorkuu waa halbawle qaran hadii aan inyar kataabto waxaqabadkii labadii bilood ee ugu danbaysey waxa maxkamada gobolku go aamo kagaadhey 8 dacwadood oo dhiig ahaa dhamaantoodna dhacay sanakii hore ,labo waakuwaas manta lasii daayey ,labona waakuwaas qaraarka loogu qaadaayo c/afweyn laga gaadhey ,4 kalena way kahoreeyeen dhamaantoodna legal aid ayaan qareen ugu ahaa waana ku amaanayaa maxkamada,

Xaga nabad gelyada garsoorku qayb wey ayuu kayahay oo hadii aanay dadku garsoor hayasan ama dacawadaha laraajiyo waxadhacaysa aano iyo kala aargoosi dilkuna waaxayaabaha aanada keena,ayuuyidhi garyaqaan cali siciid 

 Gudoomiyaha qareenadu isagoo kahadlaaya xaga dakhliga dawlada ayuu yidhi ,labadii bilood ee ugu danbeeyey waxa maxkamadaha gobolku sooxereeyeen sidaan ku warhayo 105000.000 s/l boqol iyo shanmilyan ,waxanse aad uga xumahay,in kharashaadkoogu yahay maxkamadaha hawsha intaas le eg haya wax aad uyar,

Waxa iyaguna halkaas kahadlay isuduwaha wasaarada cadaalada ee g/sanaag c/laahi xuseen maax , isuduwaha w/diinta iyo awqaafta  ee g/sanaag ,shiikh c/laahi c/le carraale , taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada c/gaabo maxamuud   olol  jaamac kuwaas oo dhamaantood  soodhoweeyey waxqabadka garsoorka gobolka sanaag ,iyo ururka qareenada oo bixiya adeegyo sharci

Ceerigaabo