Badhasaabka G/Saaxil iyo G/Deegaanka Berbera oo isku Maandhafay Kormeero ay Ku mari lahayeen degaanada hoos yimaada.

Berbera(Berberanews) Badhasaabka Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi(Gadh-dheer) iyo Maayarka Berbera C/shakuur Max’ud Xasan (Cidin) ayaa isku mandhafay Kormeer ay doonayeen in ay ku soo maraan deegaanada hoos yimaada Degmada guud ahaan gaar ahaana kuwa xeebta ee galbeedka iyo bari kaga teedsan. Safarkas oo kharashkiisu badnaa  isla markaana ay bixinaysay Dawladda hoose Berbera ayey salugeen Qaar kamida Golaha.
 
bbDSC_0792
Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Gobolka Saaxil Dabayaqadii todobaadkii hore ayaa Badhasaabka iyo Gudoomiyaha Golaha degaanka oo ay wehelinayaan xubnaha Golaha Deegaanku iyagoo isku dhan Safar ugu baxeen dhinaca bari ee deegaanka Degmadda Xagal iyo laasciidle, safarkaas oo ahaa koodii ugu horeeyay ayay isku khilaafeen in ay ku soo maraan deegaano kale oo ay ka mid tahay Sheekh.
Khilaafka safarkaasi waxa uu sababay in Badhasaabka oo kali ahi ka soo wareego dhinaca Buurta halka Xildhibaanada Golaha Deegaanku dib uga soo noqdeen dhinaca Xeebta, halkaas oo ay labada kooxoodba kormeeradooda ugu kuur galeen deegaamadii ay soo mareen.
 
Safar kale oo u qorshaysnaa in ay dhinaca galbeeka ugu baxaan ayay xubnaha Golaha deegaanku is hor taageen, waxaanay  Badhasaabka u bandhigeen in aanay isku shaqo ahayne haddii uu doonayo Kormeerka cid ku wehelisa uu kaxaysto Isu-duwayaasha Gobolka u jooga Dawladda Dhexe. Waxaanay taasi sababtay in  laba xildhibaan oo kamida ah Golaha degaanka berbera uu ka kaxaysto.
Sidoo kale Safarkaasi danbe waxa ku weheliyay Maareeyaha Dekedda Berbera Eng: Cali Xoor Xoor sida uu ku soo waramay wariyuhu, taasoo iftiimisay in khilaaf Maamul oo masuuliyiinta Gobolka u dhaxeeyaa uu jiro, isla markaana ay u kala safan yihiin kooxo.
Xildhibaanada Golaha Deegaanka oo kalfadhigoodii ugu dambeeyey ku ansixiyey in ay kormeer ku soomaraan degaanadii laga soo doortay kuwaas oo ay ugu kuurgalayaan xaaladdaha dadka iyo duunyadda.  
Si kastab ha ahaatee waxa dib udhacay safaraddii kale ee Golaha u qorshaysnaa kuwaas oo ay kusoo mari lahayeen degaanadda kale ee u hadhay , iyadoo ay muuqato muran ka jira awoodaha maamul ee gobolka kuwaas oo u dhaxeeya Golaha degaanka Berbera iyo Gudoomiyha gobolka Saaxil.
   
Berberanews.com