Nicolas Maduro uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada Venezuela

Venezuela-(W/wararka)-Guddiga doorashada Venezuela ayaa ku dhawaaqay in ninka shuuciga ah ee Nicolas Maduro uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada cod wax yar ka badan boqolkiiba konton.

nikolo

Laakiin guusha looga badiyay musharraxa xisbiga mucaaradkahas  waxa ay ka yarad boqolkiiba laba, oo ah wax aad uga yar tii uu helay Hugo Chavez ka hor intii aanu dhiman bishii hore.

Kadib markii lagu dhawaaqay, ayaa Mr Maduro oo labisnaa dhar midabada calanka Venezuelan waxa uu sheegay in guushiisu ay ahayd mid sharci ah oo caddaalad ah, isla markaana waxa uu ku baaqay degenaan.

Waxa uu balanqaaday inuu sii wadi doono siyaasadihii Madaxweynihii geeriyooday ee ka horreeyay Hugo Chavez.

Doorashadan waxay daba socotay Geeridii ku timi  Madaxweynihii dalka Venezuela, Hugo Chavez oo talada dalka hayay 14 sano. kaasoo uu muddo dheer hayay xanuunka kansarka.