Jaamacadda HOPE oo Shahaadada Master-ka ah guddoonsiisay arday

Hargeysa-(Berberanews)—Jaamacadda Hope ayaa maanta 19-arday guddoonsiisay shahaadada Master-ka ah, kuwaasoo sagaal ka mid ah ay ku suganayeen magaaladaMuqdisho, halka 10-ka kalena ay joogeen magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, iyadoo munaasabaddii Muqdisho ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa xildhibaanno ka tirsan golaha shacbaka iyo wasiiro iyo wasiir u dowlaha wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya.
Hormuudka jaamacadda Hope University, Prof. Najiib Sheekh Cabdikariin oo munaasabada furay  ayaa sheegay in ardaydan ay wax ka barteen Kampala University iyagoo ku sugan Muqdisho, iyadoo ardayda oo dhan ay ahaayeen rag.
“Tani waa markii ugu horreysay oo arayd Soomaaliyeed shahaadada Master-ka ku qaataan Muqdisho, runtii aad ayaan ugu faraxsannahay, waayo tani waa howl dhib badan loosoo maray,” ayuu yiri Prof. Najiib. “Ardayda guud ee ka qallinjabinaysa sannadkan jaamacadda Kampala waa 120 arday, waxaana Soomaali ka ah 19-arday oo 10-ka mid ah isla maanta shahaadada Master-ka lagu guuddoonsiinayo Hargeysa.”
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari oo isaguna hadal dheer ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay inuu kasoo qaybgalo munaasabad ay arday Soomaaliyeed lagu guddoonsiinayo shahaadooyin sare.
“Baarlamaanka wuxuu u baahan yahay cilmi-baaraal, waxaana naga go’an inaan ka dhigano cilmi-baarayaashaas ardayda kasoo baxay jaamadaha kala duwan ee dalka,” ayuu yiri Prof. Jawaari oo intasa ku daray inay dowladda ku qasbi doonaan inta uu baarlamaanku jiro in lasoo celiyo iskuulladii iyo jaamacadihii lacag la’aanta lagu dhigan jiray, si ay jiilka Soomaaliyeed u dareemaan raaxada waxbarashada.

Sagaalkii arday ee maanta shahaadooyinka lagu guddoonsiiyay Muqdisho oo isugu jiray dhallinyaro iyo dad waaweyn ayaa waxay magacyadoodu kala ahaayeen:
Maxamuud Maxamed Ibraahim
Jamaaluddiin Mustafe Cumar (Qunsulka Itoobiya ee Soomaaliya)
Dhaqane Sheekh Xuseen
Xuseen Sheekh Maxamed
Caddoow Cali Cabdulle
Xasan Maxamed Xuseen
Maxamed Cabdi Maxamed
Maxamed Faroole Maxamed
C/qaadir Xaashi Xirsi
Prof. Najiib ayaa ugu dambeyn sheegay in jaamacaddua y bixinayso wixii ka dambeeya sannadkan inay 10 arday oo kuwa danta yar ah ay wax ku barto si lacag la’aan ah, isagoo xusay in mashruucaas loogu magic-darayo Prof. Jawaari.
Wasiirradii ka socday wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada ayaa ka sheegay goobta in wasaaraddoodu ay gacan ka geysanayso sidii ay u taageeri lahayd ardayda Soomaaliyeed ee wax ka baranaya gudaha dalka.
Ugu dambeyn, waxaa ardaydii qalin-jabinaysay la guddoonsiiyay mid walba shahaadadiisii, iyagoo si toos ah uga yimid dalka Uganda, waxayna ardaydu muujiyeen farxad weyn, iyadoo halkaas suugaan ka tiriyay fannaanka weyn ee Farxaan Xiddig.