Hab-dhaqannada Gurraacan ee Masuuliyiinta Xukuumadda kula dhaqmaan Warbaahinta waxay ceeb ku yihiin karaamada Qaranimada

Wariye:Cabdifataax Ismaaciil Caarshe

Masuuliyiinta kala duwan ee Xukuumadda qaarkood ayaa muddooyinkan danbe la soo shaac-baxay hab-dhaqan ceeb ku ah mansabka qaran ee loo igmaday, gaar ahaan wakhtiyada warfidiyeennada Ha’yaddaha warbaahinta oo gudanaaya hawl-maalmeedkooda shaqo, ay ugu tagaan xafiisyadooda si ay xog ama macluumaad uga siiyaan hawlaha qaranka ee loo igmaday.Cabdifataax Ismaaciil Caarshe

 Wasiirka ganacsiga oo shalay warbaahinta Madaxa-bannaan oo is-kugu jiray gaar ahaanJaraa’idka iyo shabakadaha wararka ay Xafiiskiisa ugu tageen siday wax uga waydiiyaan sicir barrarka shidaalka oo hawada is ku shareeray iyo cabashada ka soo yeedhaysa Dad waynaha ku nool Gobalada Kala  ayaa warbaahinta oo ku sugnayd Xafiiskiisa xilli hore oo subixii ahayd waxa uu u sheegay inuu waxwara siinayn, isaga oo si ay masuuliyad-daro ka muqatay Warbaahintii Madaxa-bannaanayd ku yidhi waa inaad  Tv-ga Qaranka iyo Tv-ga Horn Cable uu u waramay ayna iyaga u doontaan warka.

Wariyaashii koobtaas ku sugnaa ayaa Wasiirka u sheegay inay kala yihiin Ha’yaddo warbaahineed oo kala duwan oo mid-ba xogta dhabta ah raadinaayo ayna waajib tahay warbaahinkasta ay ogaato xogta dhabta ah ee jirta ee ay Bulshada kala duwan u gud-binayso.

Wasiirka ganacsiga oo hadalkaas Wariyaasha is dhaafsadeen u eekaa inuu ku qancay ayaa wariyaashii koobta ku sugnaa waxa uu u sheegay inuu immika tagaayo Xaflad lagu martiqaaday oo ah Huteelka Maan-soor, taas oo Masuuliyiin ku sugayaan oo uu raagay, markaa haddaad doonaysaan inaad wax iga waydiisaan Huteelka igaga dabakaalaya halkaas ayaan warka idinku siinayaa.

Wariyaasha ka kala socday Warbaahinta Madaxa-bannaan oo doonaayey sidii shacabkooda jilicsan ee uu daashaday sicir barrarka iyo shidaalka oo maal mahan ugu danbeeyay aad loo kiciyey wax uga waydiiyaan  arrimahaas Wasiirka Ganacsiga oo Xukuumadda uga masuul ah arrimahaas ayaa waxay kaga dabatageen Huteelka Maan-soor.

Markii ay gadheen Huteelka Maan-soor ayaa waxay ogadeen in Wasiirku ku soo carraraayey Xaflad loo qabtay shirkad lagu magacaabay SaMOD oo Saliida Gadiidka lagu shubo doonaysa inay dalka keeno. Kadib markii aanu soo gaadhay kidinka Hoolkii Xafladu ka soconaysay ayaanu Wasiirka ku kulanay kidinkii. markii uu Wasiirkii uu maraayey kidinkii hoolka Xafladu ka soconaysay ayaa Nin fadhiya kidinka waxa uu Wasiirka u dhiibay waraaq ay wax ku qoran yihiin, taas oo wixii ku qornaa ka cadhaysiisay Wasiirka, isla markaana Wasiirku uu halkaas ka noqday.

Wariyaasha oo doonayay inay wax ka waydiiyaan Wasiirka shiidaalka kacay oo uu halkaas kula balamay ayuu Wasiirku shacuur cadho ah kala horyimi warbaahintii, kaas oo ula hadlay suxufiyiinta si anay ka muuqan masuulnimo iyo waxan la waydiinaayo inay tahay shaqada uu Qaranka u hayo.  “Nagataga waxba war idin siimaynee, sidaad tihiin saaka ayaanu Tv-ga Qaranka iyo Tv-ga Horn Cable siinaye ayaan idinku idhi ee kama hadlaayo shidalka iyo waxa aad sheegaysaan magaranaayo.”

Sikastaba ahaate, Masuuliyiinta Xukuumada ee Xisbiga Kulmiye ee uu hogaamiyo Madaxweyne Silaanyo ayaa warbaahinta Madaxa-bannaan wakhtiga ay shaqo maalmeedkooda kujira waxay kala kulmaan hab-dhaqanno aan looga baran, laguna arrag masuuliyiintii Xukuumaddii ka horaysay ee UDUB.

Si kastaba ha ahaatee, hab-dhaqannada Guuracan ee Masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo kula dhaqmaan Warbaahinta, isla markaana ay ku kala takooraan Warbaahinta dalku waxa ay ceeb iyo aflagaaddo ku tahay mansabyada ay hayaan ee xambaarsan sumcaddii iyo karamadii Qaranimada ay cisigeeda dugsanayaan.