Guddida Horumarinta Dan iyo Duco oo dhagaxdhigay Dugsiyo Boodhan ah oo laga Hirgelinayo Saaxil

 

Hargeysa(Berberanews):-guddida horumarinta gobolka Saaxil ee Dan iyo Duco ayaa maanta dhagax dhigay wajigii labaad ee dugsiyo ay ka hir gelinayaan degmooyinka Abdaal iyo Dubur oo ka tirsan gobolka Saaxil.

Dugsiyadan ay maanta wajigoodii labaad dhagax dhigeen guddida horu marinta gobolka Saaxil ee Dan iyo Duco ayaa ah qaar ka kooban qaybaha hurdada iyo qaybo loogu tala galay in cuntada loo kariyo ardayda.

Dusgiyadan oo ka kooban fasallo waxbarasho, hurdo iyo kininnada cuntada, ayaa furitaankii waxa ka hadlay Gudoomiyaha guddida horumarinta  Saaxil ee Dan iyo Duco Muuse Xirsi Abokor (Muuse Dalab) waxaanu sheegay  inay dhameeyeen wajigii koowaad ee dugsiyadan oo ka kooban 8 fasal kuwaas oo ku  kala yaala degmooyinka Dubur iyo Abdaal.

Gudoomiyaha guddida Dan iyo Duco oo arimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi “waxaannu maanta dhagax dhigaynaa toban qol oo mid waliba cabirkiisu  yahay 9×6, Waana hurdadii dugsigan imika la dhamaystiray ee ku kala yaala  degmooyinka Abdaal iyo Dubur, dacar budhuq iyo mandheera dhexdoodana waxa haatan dhamaaday  afar galaas, duburna waxa ka dhamaaday afar fasal oo hurdadii ah iyo toban qol iyo hurdadoodii, waxaanu ku xigsiin doonaa suuliyadii iyo hoolalkii waaweynaa ee cuntada, waxa kale oo  lagu xigsiin doonaa, xafiisyada macalimiinta, iyo rugtii police-ka, waxaana kale oo aanu haatan helnay in haya’ddi ay biyo galin ku samayn doonto dugsiyadan taas oo si dhakhso ah iyaduna u dhamays tiri doonta, waxa kale oo aanu calaamadin doonaa dhul laga dhisi doono jaamacad waxbana ka qabyoomi maayaan.”

Muuse Dalab

Muuse Dalab, ayaa farriin u diray dadweynaha Gobolka Saaxil inay kaalintooda ka geystaan,  “Waxaannu u sheegaynaa dadka ay khusayso ee Somaliland gaar ahaan dadka gobolka Saaxil in si wanaagsan looga soo qayb galo  horu marka gobolka Saaxil , markaa waxaanu faraynaa shacabka Somaliland waa in laga soo qayb galo, gudo iyo dibadba.”

Gudoomiye ku xigeenka gudidda horu marinta gobolka Saaxil ee Dan Iyo Duco Maxamuud oo isaguna ka hadlay dhagax dhiga wajigii labaad ee dugsiyo laga hir galiyey degmooyinka Dubur iyo Abdaal ayaa isna dhiciisa ugu baaqay shacabka Somaliland gaar ahaan dadka u dhashay gobolka  Saaxil inay ka oo qayb galaan horu marka gobolka waxaanu yidhi “waxaanu qaybtii labaad dhagax dhignay dugsiyadan boodhinka ah ee aanu ka dhisnay degmooyinka Dubur iyo Abdaal ,waxaanu ku rajo weynahay inay si fudud noogu dhamaato, waxaan aad u taageerayaa hadalkii gudoomiyaha ee ahaa in laga soo qayb qaato dhismaha, waxaanu gaar ahaan ugu baaqaynaa dadka ka soo jeeda gobolka Saaxil inay ka soo qayb qaataan horu marka gobolka Saaxil, gaar ahaan dadka dibada waxaan leeyahay waa in laga soo qayb qaataa,”

Sidoo kale Caaqi Axmed Caaqil  yare oo isaguna ka hadlay dhagax dhiga wajiga labaad ee dugsiyada laga hir gelinayo Abdaal iyo Dubur ayaa sheegay in hir gelinta dugsiyadani ay bilaw u tahay horu marka gobolka Saaxil isaga oo shacabka Somaliland ugu baaqay inay kala qayb galaan hawlaha danta guud ah ee ay wadaan, waxaanu xukuumada ugu baaqay  inay gacan ka gaysato hawlaha horu marineed ee ay guddidani gacanta ku hayso.

Sidoo kale waxa dhagax dhiga wajiga labaad ee dugsiyada laga hir gelinayo deegamada gobolka Saaxil ka soo qayb galay gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka guddida horu marinta gobolka Saaxil ee Dan iyo Duco ee gobolka togdheer kuwaas oo iyaguna ugu baaqay Shacabka Somaliland inay ka soo qayb qaataan arimaha danta guud ah ee ay guddidani gacanta ku hayso.

Guddida horu marinta gobolka Saaxil ee Dan iyo Duco ayaa ilaa markii la Aas-Aasay waxay sameeyeen horu balaadhan kuwaas oo wax qabadkoodu ka muuqdo guud ahaan deegaamada Gobolka Saaxil hoos yimaada.

Berberanews.com

info@berberanews.com