Si wax u wada arag:Abwaan Khalid cali laangadhe maanso

Abwaan Khalid cali laangadhe
Maansadan waxaa la yidhaahdaa   si wax u wada arag waxaan
Sameeyey bishii October ee sanadka 2012 ka
Waxaan u sameey is dhex galka bulsha Somaliland shacabkeeda
In layska dhaafo qabiil oo ku dhiiri galiyo in ay ka gudubto bulshada
Oo la helo cadaalad iyo sinaan taas oo ah ta horumarka lagu gaadho
 
Waxaanay ku bilaabmaysaa sidan soo socota :
 
waxaan ahay gabayaa galka seefta ka saara
saaka wixii hortaagan ee si xun wax u sheeg ah
surka kaga gooya sudha hortiisiyo  meel aan ka dheerayn
waxaan ahay gabayaa si walba wax u sheega
shidhka shiish la fadhiya shaahid wax uu u yahay shay aan qarin
waxaan ahay gabayaa sheekooyinka jacaylka shaambad u haysta
shaacinaaya inta uu shedka u sameeyo
laakiin marbaa jira meel aad wax ka bilaabi
kaa qasanto talo ooy noqoto su,aal kaa degi weyda
laakiin marbaa jira ay kaa burqato suugaan bayd bayd aad u bilowdaa
waa maalimo duniduye ma huraan may baanu magan u nahay
gidigeed aduunyada beryo la xuso iyo baraa jira lama dhaafaan ah
anaguna bishaa may baladkayaga  
bogaadin iyo barakaanu siinaa iyo bushaarooyin
boogo aanu dhaynay iyo bogsashaa noo bildhaantee
maansheeye roob mudh hadaanu u wada nahay aananu dareemin
milic aanu istaagno aan maalimo noo muuqan
mugdi habeen baa mirdhexe hadaanu istaagono miriro noo ah
maar in aanu nahay ayaanu maankayaga galinaa
mirasho iyo mabsuudkaanu maansha allaa nidhaahnaa
baaqbaaqa beer biqilbaa bilaabee
barbaarinta baladkayaga waa bishii bilowdee
bakhtiga iyo buurahaanu boorinaa balad warkii daaye
haddii Somali beri dal ahaan jirtay waa bishaanu ka noqonee bogsanay
u garanayn gun iyo baar
burco iyo booramaanu ku bundhignay balatkane
bashbash iyo barwaaqo noogamay horayn
baqdin iyo baxsad midna nooma bilownee
bogaadin iyo badhaadhahayaga beeso beesiyo
baystee ma  ahee bilaashbaanu ku boodnaa
qaranimadaa qirin qiirka loo soowada maray
qabtii dhacday udub dhexaad aan ku ilowno
wadan jira iyo milicsigaa weeyaan
dhul barwaaqo oo dhamaanayn dhererkiisu yarayn
dhoobadiisu dhalaal iyo dheeman tahay
dhayda dhoolku dhaaf dhanwalba tahay
dhiishaa dhereg iyo dhoolka ciyaartu 
dheegag loo yahay dharaar iyo habeen
dhayal looma helee dhugo dharabta
dhalinyahay dhawda iyo yeedhka dhayal loo ma helee
dhexda aan u xidhanee dharaaro maw samirnaa
kala qaybiyaha umadeena qiima xumaha
qabiilka qadar yar aan ka sheegee
ila qiimee bal  qaab daradiisa
qoom walba oo xad leh qoraal iyo qaynuun leh
isku soo qaldamin qaybsada cadaalada
Basal ninkii qalkeed qalee qayb qayb u
Gooyaa marbuu qolof xun gaadhaa iyo qudhunbuu u dhaafaa
Qabiil ninkii qaybshee ilma  nebi aadan dhaafaa
Qolo hoos udegaa  qiimaha lahee ma ogtahay
Bulsho la kala qaybshay inba qoobad lagu ooday
Qabiilooyin loo kala sheegay qiil in loo wado
Wadana mooday qaracmee ma ogtahay
Qaran adigoo noqday qiimahaad leedahay qaali yahay
Qabyaaladi kula hadhaa qayr kaa iyo qaardaha
 aduunka ka qarsoontay  Ma ogtahay
qayrkaa ood ka hadho qasaaro cad qiil aad u laadhaay sow maaha
qaran dumis iyo dugaagnimo sow maaha
qirin qiir ku galay iyo qudhun sowmaaha
qiime la,aan iyo qomamyo sow maaha
qashin ku dhexyaal oo ku dhibaya sowmaaha
qaadistiisa in aad garato sow maaha
qaybiyaha guud qaladka sixi laha haduu kuu
kala qolo sheego qadar dhacay sow maah
qaar uu soo dhaweysto quud anaanay lahayn qayb u siiyo
qaan raacday sow maaha
qaladkaa uu ku kacay sow qayinul wadan maaha
qiyaamaha qasaaro gaadhay sow maaha
qab lama filaan iyo qolof geed ka dhacday sow maaha
qoom in  lawada yahay ee qaali lagu yahay qaran qudha sowmaaha
qadar wixii dhacay sow qaladkiisa in la saxo maaha
qalad maalin walba taagan qalbi jab iyo yaxyax sowmaaha
cadaalada oo la ilaawo ceebeey tacaal sow maaha
cad ciid kaaga dhacay maydhistii sow karin maaha
camal xun cadaalad daro hoos joogto
calaamad shaydaanku hadhsado cayn kuuma qabtaanka
cadaab lagu galka cilmi nin lahi nacay oo caruuri eegin
cidbaad iska xigtaane cunsii sow camal ilbays maaha
cowda ugooda isku cadaynta cadho abuuris cayn la arkay maaha
cadaawad u haynta cayda meertey
ciirsigaagu calaf iyo cad eebe weeyi
caydaadu camalada shaydaanka iyo calooshii la ciyaar yaanay noqon
cadibaadi ma fiicnee cadaalad daro ceeb uun baa ay kuu cugtaaye
miisaan aan kala sarayn ku qiyaase noqo marag waa ku arkayaaye
madaxnimo wax ma tartee milgahaaga dhowro
miisaankaad leedahay yuu noqon meel madhan oo muuqata hadana
munaafaq maanku ka maqan yahay yaanu mus iyo meel xun ku saarin
murjin iyo masaabiir yaanu meel madhan kuugu sheegin
maar laguu dhiibtay misane waa in aad meeqaan u yeeshaaye
shalay ku wii ku doortay yaanay manta shib kaa odhan
shaag kuu rogmi maayo hadii uu shaydaanku shar wanaag kaaga dhigo
shaambad cadaalad xume yaanaya shin kow kuu noqon
sharci dhawre noqo aan shaywalba banaansan
shicibkoo ku sheegsheegay sheeda kaawada eegay  sharka aad fashay arkaaya
sheikh iyo shariif sheeda kaawada nacay shafeecu sow ma dhaamo
shaykaa daba yimaadoo ku shaamareertay sow maaha
cumaamad ka dhacday iyo cosof leef ha noqon
ceel gudhay oon cidba ka cabin cirkoo da,aya ha noqon
cuud la dhaqo iyo caano madaadshaa la yiqiin
calaamatul su,aal weeyiye cadho alle haynu ka baqno
cidina caykuu quudhi maysee cadaalada dabar gooye ha noqon
caweys lagu kulmo iyo ceeb ka saliin noqo
arligu waa nabade cidna ha u baansheegan
banaan seexde baystayn aan loo qabsan noqo
bir ma  gaydo iyo duco doone noqo
daaqsin loo siman yahay iyo danguud ilaashe noqo
cid walba ceebyeelaha qabiil ka fogow
Seeg seeg iyo sahwi waa in aynu iska jirnaa
Socoto iyo sibiq sadkeenu yuu noqon
Sarsariig iyo si xun wax u jara waa in aynaa sad moodin
Solo iyo shiishbaa jira waa in aynu si degan u eegnaa
Si wax u wada arag sir dambe dhicinbaan I din farayaa
Suul dhabaalaa inoo sir ah
Si walba fahambaa inoo sax ah
Samir lagalo iyo sooryo wada cunbaa inoo sad ah
Dad isku duuban dan kali wada leh
Dad aan la kala dilin dow u wada socda
Dad dambiile dacal ka wada ah
Sanad guuradeeena siweyn iyo soo dhaweyn aan u sooryeeyno
Somaliland salbalaadh iyo soo noqoshadii
Xornimada sadkeediyo soor wada cunbaan idin farayaa
 
 
khalid cali laanagadhe
 
thailand,bangkok
 
khalidcali05@hotmail.com