Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland oo soo saartay liiska jaamacaddaha ay aqoonsantahay

Hargeys-(Berberanews)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa soo saartay go’aan la xidhiidha inaanay warbaahintu xayaysiis u samayn jaamacadaha dalka ku yaalla, iyada oo aanay Wasaaradda ogolaansho ka haysan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo uu ku saxeexnaa Agaasimaha Tacliinta sare Khadar Axmed Diiriye ayaa lagu sheegay liiska jaamacadaha dalka ee u diiwaangashan wasaaradda, waxaanu u qornaa sidan:

“Sida aad la wada socotaan waxa jira sharci iyo siyaasad (Policy) u gar ah Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, taasoo ilaalisa hanaanka jaran-jaro ee Waxbarashada dalka.

Haddaba, waxa aanu idiinka digeynaa in aydaan faafin karin wax xayaysiis ah oo ku saabsan Jaamacadaha iyo Macaahidda kale e Tacliinta sare ilaa ogolaansho laga helo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Waxa aanu idiin soo gubinaynaa liistada Jaamacadaha iyo macaahidda kale ee lagag aqoonsan yahay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, oo halkan ku lifaaqan.”

Higher Education Data

No Name of Institution Location
1. Amoud University Borama
2. University of Hargeisa Hargeisa
3. Gollis Uni (Harg.Burao, Berbera) Hargeisa
4. Admas University College Hargeisa
5. Burao University Burao
6. Nugal University Las-Anod
7. Eelo American University Borama
8. International Horn University Hargeisa
9. Addis Ababa Medical College Hargeisa
10. Tima’ade University Gabiley
11. Hope University Hargeisa
12. Sanaag University Erigavo
13. Abaarso Tech University Hargeisa
14. Alpha University College Hargeisa
15. New Generation University Coll Hargeisa
16. Edna University Hospital Hargeisa
17. Bader Callege