Qoraaga iyo Waajibkiisa Bulsho (Qaybta 1-aad)

Qoraaga iyo Waajibkiisa Bulsho (Qaybta 1-aad)
 By: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)(UK)
 
1.       Hordhac

In muwaadin kasta uu fikirkiisa iyo dareenkiisaba cabbiri karo cabsi iyo cadaadis la’aan, waa xuquuq aasaasi ah oo muwaadinku xaq u leeyahay taasoo si cad ugu qeexan distoorka Qaranka. Waxa nasiib wanaag ah, xaqiiqdiina mudan in ALLAH looga mahad celiyo in ummadda ku nool Jam.Somaliland ay yihiin ummadaha faro-ku tiriska ah Qaaradda Afrika ee iyagu nasiibka u heley inay si buuxda u adeegsan karaan Xorriyatul Qawlka iyo xuquuqdaa Caalamiga ah ee distoorka dalkooduna siiyey. Bal u fiirso dalalka Jam.Somaliland deriska la ah ama guud ahaanba qaaradda Afrika iyo waddamada carabta ee ay diintu innaga dhaxayso. Aynu isweydiinee ma ka jirtaa dalalkan xorriyad la mid ah ta ay haystaan saxaafadda, xisbiyada mucaaridka ah, siyaasiyiinta iyo shicibka Jam.Somaliland? Jawaabtu waa maya iyo wax aan la heli karin!!

 

Dhinaca kale, waxa xusid iyo inaynu is xasuusinba mudan in muwaadinku xuquuq iyo waajibaad labadaba leeyahay. Cabbiraadda fikirka xorta ah iyo Xorriyatul Qawlku waxay u baahan yihiin in si quman oo caqli ku jiro loo adeegsado. Fikir ahaan waxaan qabaa in fal kasta oo lagu waxyeelaynayo (af, addin, qoraal,..) magaca, sumcadda, karaamada iyo xuquuq uu qof kale leeyahay ay ka baxsantahay cabbiraadda xorta ah ee fikirka iyo odhaahda.  Sidoo kale waxaan aaminsanahay inay ka reebbantahay cabbiraadda xorta ah ee fikirka iyo odhaahdaba wax kasta oo khal-khal iyo khatarba lagu gelinayo wadajirka iyo wada-noolaanshaha bulshada, ama dhalin kara in danta guud ee qaranku ay wiiqanto. Xor baan ahay oo waxa aan doono ayaan samaynayaa ama wixii af-kayga ku soo dhacaba waan ku hadlayaa, ma aha arrin u adeegaya danaha guud ee ummadda iyo isku duubnaanta Bulshadeenna curdinka ah!! Qof xorriyaddii waxay ku dhammaataa ama ku egtahay ku xadgudubka xuduudaha xorriyadeed ee qof, koox, ummad ama qoomiyad kale leeyahay/leedahay.

 
2.       Qof kastaa wax buu Qori karaa, Balse qof kastaa Qoraa ma noqon karo!!

Waxa hubaal ah inaanu qof walba nasiib u heli karin inuu noqdo qoraa bulshada magac ku leh, qalinkiisa maala oo qoraalladiisa si farshaxannimo leh ugu adeegta. Qoraannimadu waa hibo, hodantinnimo iyo deeq Rabbi (SWT) bixiyo oo uu ku gallado qofkii uu doono. Af-ku wuxu ka dhexeeyaa intii af-wadaagta ah. Iyadoo af-ka la wada adeegsanayo , hadana si kala duwan ayaa loo kala adeegsadaa. Qoraalka iyo Qoraannimada waxaa u ah halbeeg laga qiyaas qaato ku dhaqanka iyo dhawridda xeerarka afku leeyahay, qaabka adeegsiga weedha iyo u-meel-dayga ereyga, aftahannimo iyo haqab-la’aanta xagga afka ah, iwm.

 

Qoraagu waa kii ah xog-maal xaqiiqada u dhow ee raadiya, kala saara dhabta iyo dhalanteedka. Qoraaga ku gaashaaman hibada iyo hodantinnimada qoraannimo waa ka ay qoraalladiisa ka muuqdaan xushmad iyo qadarin uu u hayo cidda uu la hadlayo, waxa uu ka hadlayo ama wax ka qorayo iyo ciddii dani ka gasho amaba ay dood-wadaag leeyihiin. Qoraagu waa kii leh hal-adaygnimo iyo dhiirranaan uu fikirkiisa ku meel marsan karo isagoo kaashanaya hibada iyo hodantinnimada qoraanimo ee Rabbi ku galladay.

 

Qoraagu waa kii dhexdhexaad ah ee ka feyow caadifadda, qabyaaladda, nacaybka shakhsiyadeed, gobolaysi, iwm. Qoraagu waa kii garan kara ee miisaami kara muhimadda iyo miisaanka ay leedahay shaqada Qoraannimo isla markaana qiyaasi kara saamaynta ay qoraalladiisu ku  yeelan karaan bulshada uu ku abtirsado iyo ciddii kale ee ay dhaqan iyo af-ba wadaagaan. Qoraagu waa kii kala saara saxa iyo qaladka, ka garaaba wixii xaqa ah, diida xumaanta, xaqdarrada iyo dulmiga, ka xishooda wixii magaciisa, ka dalkiisa iyo bulshadiisaba dheg xumo u soo jiidi kara. Qoraaga dhabta ahi waa kii leh aragti dheer iyo ifa-faale durugsan oo uu kaga sii saadaalin karo isbedellada dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed, nabadgelyo iyo kuwo bulsho ee ka dhici kara guud ahaan dunida, gaar ahaana kuwa ka dhici kara geyiga iyo gobolka uu ku noolyahay.

 

Haddaba, Su’aasha u baahan inaynu is weydiino waxa weeye: Qoraaga u dhashay Jam. Somaliland (rag iyo haweenba), adduunyadu hir weeyee heerkee bay ka joogaan?

 

Fikir ahaan waxaan aaminsanahay in Qoraaga u dhashay Jam.Somaliland (rag iyo haweenba) aanay si mug leh ugu hagar bixin kaalintii kaga aadanayd bar-baarinta iyo baraarujinta bulshada ay ku abtirsadaan. Waxa loo baahan yahay in Qoraaga u dhashay Jam.Somaliland ay ku daydaan oo ay wax ka bartaan tusaalaha wacan ee  Abwaannada iyo Hal-abuurka Jam.Somaliland kuwaasoo iyagu hadh iyo habeenba heegan ugu jira sidii ay hormuud iyo tusaale wacanba ugu noqon lahaayeen da’yarta Jam. Somaliland. Abwaannada iyo Hal-abuurka Jam.Somaliland waxay xil culus iyo masuuliyadba iska saareen sidii ay da’yarta Somaliland ugu gudbin lahaayeen uguna dhiirri gelin lahaayeen hanaqaadka fanka, hiddaha iyo hal-abuurnimada. Kaalinta bannaan ee Qoraaga Jam.Somaliland waxaa si weyn looga dheehan karaa in waqtigan xaadirka ah ay da’yarta Somaliland ee hal abuurka ahi ay aad uga badan yihiin da’yarta qoraaga ah!!

 
(La soco Qaybta 2-aad: Qoraaga iyo Waajibkiisa Bulsho)