Guddoomiyaha Waddani oo Tacsi U Diray Marxuum Nuur Caraale

Ujeeddo: Tacsi
Gudoomiyaha urur siyaasadeedka WADDANI, Dhamaan G/Fulinta, G/Dhexe  iyo taageerayaasha ururka WADDANI waxay iyagoo ka tiiraanaysan tacasi u diryaan wasiirka daakhiliga ee JSL Md Maxamed Nuur Caraale (Duur) geeridii naxdinta lahayd ee ku timi aabihii .
  
Marxuum Nuur Caraale Bulaale oo ku geeriyootay Maanta magaalada Hargeysa   
 
Waxaanu Eebo uga baryaynaa innu ja’nadii fardowsa ka waraabiyo dhamaanteenna samir iyo iimaan inga siyo. 
 
أنا لله وأنا إليه راجعون
 
 
 
Md . Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)
Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka WADDANI