Wasiirka waxbarashadda oo noqotay qof gu’ ba gows u soo baxay !!! W/Q:Khadar Jaamac dirir

 
Marka hore dhamaantiin waan idin salaamaya, marka xigta haddii aan u soo noqdo maqalkayga.Maantintu waa khamiis waxaan ku beegan nahay xarunta Wasaaradda Waxbarashadda oo aan hawlo ku lahaa, laakiin maantaasi waxay ahayd maalin ay ku hawlanayd wasaaraddu imtixaankii shahaadiga ah oo soo xidhmayey. Waxaa meel aniga aan waxba iga fogayn jooga dad badan oo ku muransan dhacdooyinkii xilligii hore soo maray wasaaradda waxbarashadda ee xaga imtixaanka ee ahaa imtixaankii ayaa la helay, laakiin Gu’ba gows ayaa ku soo baxa oo aad ku cimir qaadan kartid.

 
Taasi waxay keentay inay wasaaradda waxbarashadu ay ka gaashaamanto dhacdooyinka xilligaasi soo maray oo ay dedaal dheer ka muujiso habsami u socodka imtixaanka oo sannadkan wasaaradda waxbarashadda lagu majeerto dedaal dheer iyo isku xilqaamid ay samaysay wasaarada iyo hawladeenadda Imtixaanka ku shaqadda leh.
Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ah gabadh karti iyo hunaan ilaahay u siiyey shaqadda ay qaranka u hayso ayaa cod dheer khamiisti ka dib ku tidhi “Dhamaan goladda Somaliland ee ay khariiraddu marto way ka hirgaleen imtixaanka shahaadiga ah. Ardaydu sannadkan aad ayay dedaalkoodu u wanaagsan oo maad arkay arday isku buuqsan iyo macalin is haysta, Aad waxaan ugu mahadnaqay dhamaan hawlwadeenidii wasaaradda iyo ciidamadda booliska iyo militerka ee iska xilsaaray hawshaasi.”ayay tidhi Marwo Samsam.
Imtixaanka shahaadiga ee sannadkan la galay ayaa ka buuq-yara kii sannadii hore la galay oo aad moodaysay inay wasaaradda ka soo ifbaxayaan qaar wadda ku xumanta wasiirka waxbarashadda. Laakiin wasaaradda ayaa imtixaankan iska xil-saartay si aanay u soo noqon wixii dhacay sannadkii hore iyadda oo aad moodaysay in dedaal dheer loo galay habsami u socodka imtixaanka oo ku soo dhamaaday jewi wanaagsan oo aad ardayda ka dheehan karto wejigooda faraxsanaan iyo dhoolo-caddeyn. Laakiin imtixaanka ayaa ahaa mid aad u tiro-badan oo xadiggoodu ka badan yahay sannadkii hore oo ay sii kordhayaan waxbarashadda hablaha oo ay wasaaradda waxbarashu ka u sii qaaday iyo dedaal dheer oo ay gashay Marwo Samsam oo ah marwo ka soo baxday kaalinteed wasiirnimo.
Weriye Khadar Jamac Dirir