London-(Berberanews)-Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan, ayaa jawaab sharciya u waayay xadhigga muddo-dhaafay ee Boqor Cismaan Buur-madow oo muddo 111 cisho u xidhan inuu aflagaado u geystay Madaxweynaha Somaliland iyo qaran-dumisnimmo.
Xeer-ilaaliyaha Guud oo oo u warramay Idacaadda BBC-da, ayaa sheegay inuu sharcigu dhigayo muddo 45 cisho ah wax ka badan inaanu sharcigu dhigayn in xabsiga lagu sii hayo muwaadinka u dhashay Somaliland, haseyeeshee indhaha ka qarsaday xadhigga sharci-darada ah ee affarta billood ku dhawaadka uu u xidhanyahay Boqor Cismaan Buur0madow.
Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan wax laga weydiiyay asbaabaha uu u xidhanyahay Boqor Cismaan Buur-madow, ayaa sheegay inuu u xidhanyahay Been abuur iyo Khiyaammo qaran. “Waxa lagu dacwaynayaa dariiq sharciyaa loo xidhay, Qofobadda 212 iyo 212, waxay ka kala hadlayaan propogaandho been abuur ah ka fidiyay debedda oo qarannimadda iyo jiritaanak ummadda wax loogu dhimayo iyo inuu dalka gudihiisa ka fidiyay warar ummadda uu ku kicinayo oo uu doonayo in qaranka lagu burburinayo.”ayuu yidhi Xeer-Ilaaliyuhu.
Maxamuud Raage Ibraahin oo hore isaga casilay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland, ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo u soo jeediyay inuu xoriyaddiisa u soo celiyo Boqor Cismaan Buur-madow oo ku dhawaad affarood u xidhan inuu aflagaado u geystay Madaxweynaha iyo qarankaba.
Maxamuud Raage oo ku sugan magaalada London, una warranay BBC-da ayaa sheeegay inuu sharci darro ku xidhanyahay Boqor Buur-madow iyo dad kale,waxaannu ugu baaqay Madaxweyne Silaanyo inuu xorriyadiisa u soo celiyo Boqorka oo uu sheegay inaanu gelin dembi, islamarkaana uu xor u yahay muwaadin kastaa inuu fikirkiisa cabirro.
Halkan ka dhegayso Dooda Agaasimaihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Debedda Maxamuud Raage iyo Diidmada Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Agaasimihii hore iyo Xeer ilaaliyaha