Weli Shacabka Somaliland Ma Loo soo Bandhigay oo ma dareemeen ( Somaliland National Education Policy 2006)

Cabdiraxmaan Fidhinle

17-June-2012-(Berberanews)-Sharcigan Somaliland National Education Policy waxaa salka loo dhigay  2006, Sharcigani wuxuu caadka ka qaadayaa oo cadeynayaa in yar iyo weyn , Rag iyo Dumar, caruur iyo cirrooleh loo siman yahay Waxbarashada Somaliland.hadii ay tahay mid hoose, dhexe ama sareba.

Hadana marka aad runta ka sheegto dhamaan iskuulada Hoos yimaada Wasaarada Waxbarashada Somaliland waxaa weli jira Gaab aad u weyn oo u dhaxeeya hablaha iyo inamada dhigta Dugsiyada hoose, dhexe , Sare iyo jaamacadaha  Somaliland. Taas oo u Baahan in si deg-deg ah wax looga Qabto.
Hadii aynu dib u yara milicsano Taariikhdii Waxbarashada ee Somaliland ,Markii aynu  xornimadeenii la soo noqney 18kii May 1991, Waxaa boodhka laga tumey isla markiiba 46 Primary schools oo keliya . dhawr sanadood ka dib sanadihii  1995/96 waxay Dugsiyada Hoose gaadheen 159 iskuul oo Hoose iyo 3 iskuul oo Sare , taas oo ardeyda Dhiganeysey ay Gaadhayeen 8,667 ardey oo dhiganaysey iskuulada Hoose iyo 329 ardey oo dhiganayey  Dugsiyada Sare isla waqtigaa ardeyda  dugsiyada Hoose  lixdii (6) ardeyba waxa Hablo ahaa laba (2) afarta (4) kalena waxay ahaayeen Wiilal. Dusiyada Sare Sideedii (8) ardeyba waxaa  Hablo ahaa  laba (2) ardey.
Isla Sanadihii 2008/2009 Tiradii  ardeyda iyo Tiradii  iskuuladiba waxay isu bedeleen si lama  filaan ah oo aad ayey u bateen, Taas oo Dugsiyadii Hoose & dhexe  ee Somaliland ay noqdeen 627 iskuul. Tirada Dugsiyadii sarena waxay noqdeen 68 iskuul. ardeyda dhigata Dugsiyada Hoose/ dhexe waxay gaadheen 170,930 ardey, ardeyda dhigata Dugsiyada sarena waxay noqdeen 20,460 ardey. magaalooyinka Waa weyn  ardeyda dhigata Dugsiyada hoose 10 ardeyba 4 ardey ayaa ahaa Hablo , halka magaalooyinka yar yar ama tuulooyinka ay 10 ardeyba 2 ardey ay ka ahaayeen Hablo. Dhinaca Dugsiyada Sare Magaalooyinka waaweyn 10 ardeyba waxaa Hablo ahaa 4 ardey, halka magaalooyinka yar yar ama Degmooyinka ay 10 ardeyba ay 2 keliya ay Hablo ahaayeen. Taasi waxa y ku tuseysaa in Mar walba Gaabka u dhaxeeya Hablaha iyo wiilasha uu aad u kala fog yahay.  Sanadka 2012 Bishan June  ardeyda Imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare u Fadhiisanaya waa 17531 taas 5846 ka mid ihi ay wiilal yihiin 1695 kalena ay hablo yihiin, Halka ay ardeyda Dugsiyada Dhexe u Fadhiisanayaana ay gaadhayaan 11667 taas 7581 ay wiilal yihiin 4860 na ay hablo yihiin taas oo cadeyneysaa in Weli Gaab weyni u dhaxeeyo hablaha iyo inamada.
Si aan arintan ugu kuur galo oo aad xaqiiqda wax uga ogaado Waxaan dhawaan khadka telephoneka Su’aalo ku weydiiyey Aabe Mohamed jirde oo  degan Magaalada Hargeysa leha sadex caruur ah oo dhameeyey Dugsiyada Hoose, Wuxuu Mahamed ii cadeeyey in uu Awoodo in uu labada wiil uun  uu fiiga Dugsiga sare  ka bixiyo, laakiin aanu awoodin in uu inantana ka bixiyo Fiiga uu inmada ka bixiyo mid leeg, waxaa Markii ay ogaatey hooyo  xalimo in inanteeda laga hadlaayo ay codsatey in ay ila hadasho waxaana  aan weydiiyey sababta ay inantu Dugsiga sare ee Private ka ah ee Wiilashu dhigtaan ay  u geli weydey waxay iigu jawaabtey Aabaheed sadex Dukaan ayaa u furan oo wuu awoodaa ee isagaan  dooneyn in ay Dugsigaa qaaliga ah ay  inantu Gasho oo wuxuu yidhaahdaa Dukaamada ayey mid hayneysaa. waxaan hooyada weydiiyey in uu Aabuhu aaminsan yahay in inantiisu waxbarashada heer sare ka gaadhi karto oo isagana ay anfici karto iyaduna is anfaci karto, waxay iigu jawaant ey isaga oo maqlayaa in uu Aaminsan yahay in habluhu ay yihiin Guur u joog oo hadii ay waxbartaan iyo hadii kaleba  ay isku mid yihiin oo ay ku danbeyn doonaan Guri iyo xanaaneynta caruurta ay dhalaan.
Waxaa kale oo aan khadka telephoneka ku wareystey Hooyo X. Ahmed oo Degan iyaduna Hargeysa ,Hooyo  X. waxay dhashey 8 caruur ah oo ay 4 ka mid ahi ay Wiilal yihiin 4na ay hablo yihiin, Caruurta Aabahood wuxuu ka shaqeeyaa Dekeda Berbera, kadib markaan su’aalo dhawr ah weydiiyey waxay Hooyadu ii sheegtey in ay  mudo yar ka hor ay awoodi jireen uun in ay Wiilasha oo keliya ay Fiiga iskuulada ka bixiyaan, hadana ay aad ugu faraxsan yihiin mar hadii Waxbarashadii Dugsiyada Hoose iyo dhexe laga dhigay Bilaash. Waxa ay hooyadani iyaduna ii cadeysey in ay Mudnaanta uu Aabuhu siiyey Wiilasha oo Keliya markii hore iyaduna ay ku raacdey laakiin ay aad uga xumaatey markii uu inantii weyneyd uu ka hor mariyey willkii caruurta ugu yaraa. Labadan Waalid ee dhawaanta aan  wareystey waxay Ku tusayaan in aan marnaba ilaa iyo waqtigan casriga ah ee aynu joogno aaney weli sineyn Hablaha iyo Wiilashu.
Hadaba Su’aashu la is weydiin karaa waxay tahay waa maxay sababtu?  Sababta ugu weyni waxay noqoneysaa Dhaqanka iyo caadada Somalida oo ilaa iyo mudo dheer diidanaa in  Hablaha iyo inamadu u siman yihiin waxbarashada iyo mansabkaba Gaar ahaan  reeraha dan yarta ah, reer guuraaga , Tuula jooga iyo beeraleydaba. Taas oo ay ilaa iyo hada oo ah 21st Century ay mudnaanta siiyaan in inamadu  ay ka horeeyan hablaha. welina xataa qolyaha haysta Dhaqaale ay caruurtooda waxkubaraan gudhoodu  ay  weli Fikradaasi aaminsan yihiin  in aaney sineyn inanka iyo inantu dhinac kasta.
Waxaa kale oo iyana  jirta in hablaha badankoodu ay yaraan ku guursadaan badanaaba  Somaliland, taas oo iyana yareysa fursadihii ay Waxbarashada ku sii wadan lahaayeen Hablaha reer somaliland . In kastaa oo ay Wasaarada Waxbarashadu ay muujisey da’daal sanadihii la soo dhaafey  hadana waxaa Wasaarada looga fadhiyaa in ay gaadhaan Yoolka  ay higsaneyso ee loo dhigay sanadka  2015 ee ku saleysan Somaliland National Education Policy 2006 iyo Somaliland National Gender Policy 2007. In kasta sanadihii danbe tirada  hablaha ee Dugsiyada  Hoose ee Somaliland gelayaa ay kor u sii yara ka cayeen Degmooyinka qaarkood hadana  weli waxaa meesha yaala Gaab aad u weyn, taas oo kuu iftiimineysa in  bulshoweynta reer Somaliland ay weli u baahan tahay wacyi gelin farabadan. Waxaana Wasaarada Waxbarashada Somalilan   laga doonayaa in ay Dar- Dar geliso wacyi gelinta Waalidiinta  si tirada  hablaha ee sanadkan 2012  iskuulada is qorayaa  ay aad uga bataan kuwii sanadadii hore is qorey , Maa daama Waxbarashadii Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee Somaliland  bilaash laga dhigay waqtigan xaadirka ahna uu aduunku  hada isha ku hayo  sidii Hablaha iyo Wiilashu ay ugu sinaan lahaayeen Waxbarashada Gaar ahaan ta Hoose waa in Wasaaradu la timaadaa qorshihii lagu Dar-Dar gelin lahaa arintan.
        Si loo dar-dar geliyo in habluhu Waxbarashada qayb libaax leh ka qaataan:
1- Waa in Wacyi gelin waalidiinta ah laga bilaabaa magaalooyinka waa weyn ee Somaliland oo dhan.
2- Waa in mustaqbalka la dhisaa iskuulo hablaha u gaar ah oo isugu jira hoose, dhexe iyo sareba
3- Waa in magaalooyinka waa weyn laga furaa santaro Dumarka u gaar ah oo wax lagu baro
4- Waa in dumar badan loo tababaraa in ay macalimiin ka noqdaan dugsiyada hoose,dhexe iyo Sareba
5-  Waa in ay dumarku ka muuqdaan Saaxada Siyaasada iyo Hogaanada Somaliland , Xisbiyada iyo Jagooyinka sare  sare ee dawlada Somaliland.
Wixii aan saxey alleh ayaa igaransiiyey, wixii aan khaldey ama ka tegayna waa Camal sheydaan!
Waa Bilaahi Tawfiiq
A/rahman Fidhinle
Intensive Education Personal Advisor
England
London