Jamaal Cali Xuseen oo Fashiliyey Sir dhex-martay Madaxweynihii hore ee Somaliland .Video iyo akhrisba

Shaariqa-(Berberanews)- Jamaal Cali Xuseen oo ay bilawgii sannadkan Mushaarrax u  caleemo saareen inta badan xubnaha Guddiga fulinta Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ayaa fashiliyey siro ay isku ogaayeen Madaxweynihii hore ee Somaliland, ahna Guddoomiyaha UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana sheegay in cidda ugu yeedhay inuu Xisbigaa iska sharraxo Rayaale ahaa.

Jamaal waxa uu sheegay beeniyey inuu reernimo ugu yeedhay inuu UDUB iska sharraxo Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland ahna Guddoomiye ku-xigeena UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, hase-yeeshee, wuxu ku dooday in Xisbiga UDUB uu muddo soo taageerayey, isla markaana ay Daahir Rayaale markii uu Madaxweynaha ahaa ka wadahadleen sidii Jamaal ahaan uu musharrax uga noqon lahaa Xisbiga UDUB marka xilli-xileedka uu doorranaa ka dhammaado.

Jamaal Cali Xuseen ayaa Guddoomiyaha UDUB Daahir Rayaale Kaahin ku eedeeyay inuu doonayo inuu burburiyo xisbigaasi. Waxaanu Jamaal go’aan Maxkammadda sare ee Somaliland Salaasadii (dorraad) ka gaadhay dacwad garabbada UDUB ee Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenku kala hoggaamiyaan u dhaxaysay ku sifeeyay mid aan dhinacna ka qoslin, waxaanu sidaasi ku sheegay waraysi dheer oo uu caawa siiyay Horn Cable TV isagoo jooga magaaladda Shaariqa ee dalka imaaraadka carabta, waxaanu si weyn u naqdiyay Guddoomiyaha xisbiga UDUB oo uu ku tilmaamay mid aan doonayn inuu xisbiga badbaadiyo.

“Ninka annagu aannu is naqaannay ee Xisbiga UDUB iigu yeedhay ee igu yidhi; ‘Xisbiga iska dhex-sharrax waa Daahir Riyaale Kaahin. Waxa weeyaan maalintaasi waannu is-barannay oo uu iskaayo baray Rayaale Axmed Yuusuf Yasiin, sidaas ayaannu ku kala tagnay. Waxa dhacday maalintaasi Guddoomiyaha waxaan wax shuruud ah imuu siin, aniguna waxaan ku idhi; ‘Waxaan iska dhex-sharraxayaa xisbiga, walina waan baadhayaa oo aniga siday ila noqoto ayaan yeelayaa, sidaas ayaannu ku kala tagnay.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Jamaal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Intii ka danbaysayna laba jeer ayaannu Tilifoon ku wadahadalnay isaga oo Dalka Faransiiska jooga. Waxa igu maqaala ah aniga oo wali arrinkaygii sidii u wada, quud-daraynaaya inaan Urur cusub furto ayaa waxa xad-dhaaf noqday ururradii. Waxaan bilaabay inaan kuwii hore dib u eego, markaa UDUB oo wadahadalku noo bilaamay ayaan eegay.”

Mar uu Jamaal ka hadlayey sida uu ololaha musharraxnimada UDUB ku bilaabay waxa uu yidhi; “Haddaba, UDUB December 13-keedii 2011-kii waxay shaacisay UDUB oo adduun weynaha u sheegtay dadkii keenaya Arjiyada Musharraxnimada in wakhti cayiman lagaga qabanayo oo laga qaado lacag badan waxay ahaayeen Raggii markii danbe meelahaas ka qaylinayey ee lahaa waa xisbi Qaran oo cidi ma iibsan karto. Markaa, waxaan ogaaday lacagtaas tirada badan ee nimanka Odayaasha ahi ay keeneen ay doonayaan inay musharrax-nimadayda ku joojiyaan, markaas waan la gudhiyey oo markii danbe iyaga ayey isku rogtay oo waxaan ku idhi soo maaha lacag waxa lagu ciyaarayaa, waxa ayaan-darro ah in raggii xisbiga dhisayey ee ay wax isku ogayeen ay dib u xag-xagtaan.”

Jamaal Cali Xuseen Mar wax laga weydiiyey Lacag 75000, (shan iyo toddobaatan) kun oo Doollar ah laga cunay lacag 285 kun oo Doollar ahayd oo laga shubay markuu UDUB iska sharraxayey, waxa uu sheegay inuu isagu fasaxay in la isticmaalo, isla markaana wax laga dhacay iyo cid wax ka dhici kartaa midna jirin ee ay Lacagtaasi UDUB gashay, isagana u tahay maal-gelin uu UDUB u tirtsanayo oo uu kala xisaabtami doono.

“Maxkamadda xukunkeedda anigoo ixtiraamaya oo ay dedaaleen dhinacna kamay qoslin oo dalabkii Axmed Yuusuf Yaasiin ee ahaa Guddoomiyenimada Daahir Rayaale ay ku durayeen waa laga diiday, sidoo kalena Daahir Rayaalena lagama qoslin oo waxa la yidhi labadii sanadood ee aad Paris fadhiday ee warqadda aad soo qortay wakaalashadda ah wixii hawl la sameeyay way soconaysaa.”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi; “Nasiib darro waxaad moodaa xisbiga UDUB wali gacanta Daahir Rayaale ayay ku jirtaa haddii uu doonayo inuu badbaadiyo.laakiin waxaanu ka war haynaa inuu doonayo inuu gacantiisa ku burburiyo xisbiga.” Jamaal waxa kale oo uu ka hadlay eedo ay garabka Daahir Rayaale u soo jeediyaan oo la xidhiidha inuu labadii sanadood ee la soo dhaafay aanu xubin fir fircoon ka ahayn xisbigaasi. Waxaanu ku dooday inaanu ahayn mid immika ku biiray ee uu xisbiga muddo dheer taageeri jiray.

Jamaal Cali wuxuu sheegay in Guddoomiyaha UDUB uu Xoghayaha xisbiga UDUB u magacaabay Jaamac Yaasiin oo uu carrabaabay in isaga oo laba maalmood oo qudha joogay dalka ka dhigay Xoghayaha Guud, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaad moodaa inay xeerarkii xisbiga ka ay doonaana soo qaataan ka ay doonaanna ka tagaan. Anigoo ixtiraam u haya oo leh wuu u qalmaa xoghayaha xisbiga isagoo jug soo dhacay yimid wadanka oo aas ka soo qeyb galay ayuu Daahir Rayaale ka dhigay xoghayaha xisbiga. Aniga oo isaga (Rayaale) taageeri jiray oo ku soo dhawayn jiray Nairobi iyo meel walba inay igu yidhaahdaan xubin firfircoon oo xisbiga ah maad ahayn. Iyaga laftooda ayaan xisbiga wax ay u qabteenba aanay jirin. Anigu ta aan xisbiga u sameeyay u malayn maayo inay iyagu u sameeyeen.”

Jamaal oo la weydiiyay inay marna wada hadleen ama kulmeen murashixiintii la tartamayay ee xisbiga UDUB, wuxuu yidhi “Haa, anigu Cali Waran-cadde waanu wada hadalay waa nin aan ixtiraam u hayo oo karti leh oo lala shaqayn karayo. Si wanaagsan oo saraaxiyad ah oo aanay xumaani ku jirinna waanu u wada hadalnay, imikana waan jecelahay inaan la hadlo ama la shaqeeyo. Tartan marka la gallana mid uun baa guulaysta. Anigu xataa waxaan diyaar u ahaa haddii tartanka lagu celinayo anigu diyaar ayaan u ahaa.”

“Waxaan filayay anigu in Daahir Rayaale inta uu yimaado inuu ka odayeeyo oo uu yidhaahdo waar anigaaba ragga siidhiga u qabanaya.laakiin waxaad moodaa inaanu ragga wada-hadashiin oo aanu isugu yeedhin. Runtii doorkii laga filayay ninka Hoggaamiyaha ah waxa laga filaa inuu eego danta xisbiga. Daahir Rayaale sideed sanadood ayaa la daba socday markaa intuu aayar uun iska yimaado uu xisbigu wixii uu sameeyay iska laalo khalad ayay ahayd.”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

\

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.